More

  More

  More

  More

  More

 

Aw Maxamuud Yuusuf "Indhoole-Libaax"

H .A. - Sacad Muse  Qubane



Aw Maxamuud Yuusuf "Indhoole-Libaax".
Gabayaagan Aw Maxamuud oo "Indhooole Libaax" lagu naanaysi jirey wuxuu ahaa gabyaa weyn oo caan ah. Maansaruuggan Sida naanaystiisa ka muuqata marxuumku wuu indha la'aa. Wuxuu ahaa nin Ehlu diin ah oo Quraanka yaraan ku xifdiyey iyadoo tafiirtiisa qaarna noo sheegeen inuu dhashay isagoo Xaafid ah. Si kasta ha ahatee abwaankani wuxuu geeriyooday sannadkii 1984 isagoo da' ah.

Geeraar dheer oo uu isku sifaynayo ayaa nalaga soo gaadhsiiyey

Waa Indhoole Libaaxoo
Arboow waa Ina yuusuf

.....

Murtida baylahday ee abwaankan qiimaha leh waxa naga soo gaadhay labadan tuduc oo malaha qof uu wax taray oo misna isagoon markii hore waxba ka hagran ku soo rogaal celiyey oo waxtar ka doonay uu u tiriyey

Waataan isniintii dhawayd Awrka kuu raraye
Maantana maxay kaa ag dhigay sow Arbaca maaha


__________________
Fiiro Gaar ah:
Wiil abwaanku awoow u yahay oo Ingiriiska nagala soo xidhiidhay waxa uu noo ballan qaaday inuu daba geli doono suugaanta awoowgiis. Ilaahay ha ku guuleeyo. Aammiin.

 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com