Q O R A A L

 

 Ibraahim Xirsi Dirie (Gacamey)

  HY - Sacad Yoonis

Somali Poetry

Dhoor

Gabaygan waxaan ka qoray Cabdulaahi Ibrahim Xirsi oo ah wiil uu dhalay abwaanku taariikhdu markay ahayd 25.12.2011. Ibrahim Xirsi (IHN) waxuu ku dhashay miyiga degaanka C/Afweyn abaara 1908.

Gabaygani waxuu ka hadlayaa siday xaaladdu ugu muuqatay markii dagaalka sokeeye dhexmaray Dhulbahante iyo H.Jeclo 1954/55 . Waxuu ku halqabsaday hal uu u bixiyey Dhoor oo keligeed iska daaqaysa dhulkii ay colaada uga kala durkeen labadii beelood ee dagaaalku dhex maray. Waa dhamaystirka gabaygii uu ka jawaabayey Aw Cabdi Muuse Maxamed ee aan hore idiinku soo diray.

Waxuu yidhi Ibrahim:

Meeshiyo Dhudhubo..... , Dhoodi iyo Soolal
Dhaaxaad halkii dharab qabtoba, dhuuni ku lahayde
Aan nabadda kuu dhowrayoo, dhowr nin duudsiyaye
Marse hadday dhanaanaatay oo, laysu dhalad sheegtay
Kala dhuumo mooyee haddii, lays dhex mariwaayey
Waxba yaanay geedii ku dhibin, Dhoor-ey Laan-Delebe
(1)
Adigaa dharkaynkiyo hadhsada, gudhaci dheeraaye
Adigaaba dhaaddane mar hore, dhimay asaaggaaye
Waxba yaan haldheertiyo nirgaha, haadku dhabaslayne
Waxba yaan kor-jooguhu ku dhiman, dhinacyadaadaase
Waxba yaan markaad dheelmad tahay, dhuungaluu hadhine
Muqlo iyo adaa ..... ku qada, dhowr cashoo idile
Dogobliyo waxaad dhuunyataa, dhabanki weynaaye
Ma dhuundhuumatide kaalmahaad, dhab u timaaddaaye
Dheeldheelka kuma keeno iyo, dhaxan arooryaade
Odayaal dhafa ah iyo Xaajiyaal, sooma dhididaane
(Dhulbahantaha buu ula jeedaa)
Dhanka kama hagoogtaan intay, dhaxal u sheegtaane
Dhulkii Eebbahay iyo biyii, dhaarti laga daaye
Dhukukule ka duul Muusihii, dhumucda weynaaye
(Muuse Abokor)
Wax la yidhi hadaa dhuuxa guban, dhuug ku cunayaaye
Dhaliyariyo geeliiba way, dhogor xumaadeene
Waxuu Soolal kuu dhaafi jirey, dheelki nabadiiye
Adiga iyo loo kala dhaqaaq, Dhoor-ey Karamaane .

(1) Laan Deleb (waa geed gob ah oo ku yaala Karamaan hageeda hoose
oo Buur Caanood ku dhow
.

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com