|
|
|||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||
![]()
Haddaad dhimato geeridu marbay
nolosha dhaantaaye ![]()
Shansha adhiba shirixaa danbaa shuuxa abidkiise ![]()
Fulaa shiil wadnaha loogu xidhay Shamacyo naareede ![]()
Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse ![]()
Naf cankuurka loo yimi Rabbaa
caaqibuu garanne ![]()
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo ![]()
Ifka nimad u cabataad maruun ciidan ka heshaaye ![]() Wasdi ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye ![]()
Legjar Faranji niman baa akhriya
laawis iyo beene ![]()
Ma laxiibto geelaba hashii
lahantay jiilaale ![]() Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye ![]()
Hadaan luqunta beri taagi jiray
liicday adhaxdiiye ![]()
Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane ![]()
Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye ![]()
Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu
xilateene ![]()
Wax dhaaxaan xiniinyaha ka saray mida sinnaydeene ![]()
Fircoonbaa cilmiga sheegi jirey
Sheekhna ma ahayne ![]()
Siigada haddaan kaaga tegey salacyadii boodhka ![]() Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene ![]() Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye ![]()
Aduunbaa hinaayiyo u jilan haawis
iyo ceebe ![]()
Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey ![]()
Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida
doqoneede ![]()
Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
![]()
Gabadh waliba waa hooyadeed tay u
gurataaye ![]()
Haddii uu garkaa maro ratigu ama gugii qooqo ![]()
Sacba waxa gunnada loogu dhigay yuu
gardiidamine ![]()
Inkastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo ![]()
Duunkeeda belo waa helaa nin u
dedaalaaye ![]()
Wax belaayo lagu diimiyaa duul u waajibaye ![]()
Awrkii da'furay geela way deris
colloobaane ![]()
Dahabooy waxaad iigu dudi waan ku duun garanne ![]()
Hadduu dheregsan yahay wiil yar
bay taladu dhaaftaaye ![]() Waayeel dhaqsaha waa wuxuu dhirif ka qaadaaye ![]() ![]() ![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]() |
![]()
![]() Haddaan nabadda loo wada qastiyin wayska qiil jabane. Waaryaadha kala quusannaye qoomamo la'aada. ![]()
Waa duni la kala iibsaday, oon nala ogeysiine ![]()
Kun la dirira idinkoo konton ah weydun kaafiye'e Hana kibrina ninkii waa xun yahay kodada dhaafaaye. ![]()
Nin ku xiga naxliga kuu galaa, nudayga kaa gooye ![]()
Haddaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay, ![]() Cali Jaamac Haabiil ![]()
![]()
![]()
![]() ![]() ![]()
![]()
Hadba dawdar falan baa ka kaca nimanka Daaroode ![]()
Cadka Boqorka nimankii lahaa calalinmaayaane ![]()
Rag hadduu ilmaadeerro yahay ururku waw doore ![]()
Kulli halaqu xaaraamacune kaal is wada ruubye ![]()
Rag hadduu magliga soo rogtoo kala maqnaan waayo ![]()
![]()
Mataanaha lugaha iyo gacmmuhu kalama maarmaane,
![]()
Ma magoolo geed kalli ah oo milic ku yaalaaye ![]()
Muslin iyo kufriba idinka oo ugu miciin liita ![]() ![]() ![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
Ninkii Baha Xabuusheed arkaa baadha dirirteeda ![]()
Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo
laabta xuunshada'e ![]() Bulbulloow Libaax iyo dawaco power kala roone Haddii uu bulxamo Aarku waa bili cuslaadaaye Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodiiye. ![]()
Dhadhan malaha naagaha middii; Dhoocil noqotaaye ![]()
Kalaamkaasi wuxuu kuu ekaa,
kulantideeniiye ![]()
Nimankaan dukaannada lukiyan, laba
laba u siiyey ![]()
Waligiinba dhoomaha Isaaq dheg uma noolayne ![]()
Gobbaa laga sinnaa jeer abaar
guuraysaa timiye ![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
|
||||||||||||||||||||||
Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com |