Geela
Maxamed Cabdulle Cali (Gammuute) (HJ)
Gammute gabaygiisan soo socda waxa ragga suugaanta ku xeeldheeri
ku tilmaamaan inuu yahay gabay geel loo marsho kii ugu qiimaha
badnaa.
Abaar xun baa dhacday markaasaa Gammute geelii u dhaadhiciyey
Guban iyo dhul aanu weligiis arag. Nin ay walaala ahaayeen oo
Cabdi la odhan jirey baa yidhi "War geeli aan had qabadsiino
Gaadlayaal baa roobku soo joogaaye".
Gammuute oo geel dhaqashadiis ka niyad jabay ka dib markii gaalku
gelelefo ee goor walba qabto ayaa marshey tixdan oo uu leeyahay "Gaadlayaal
maxaa iiga dan ah inaan lacag dhaafsado ayaabaan maanka ku hayaaye".
Wuxu noqday gabay Xeeldheer oo Abwaanku suugaanta geela kaalinta
koowaad uga galay.
|
Cabdiyoow gugayguna ma yara guunna waan ahaye
Hadaad talada igu gawdhiseen hayska geedido'e
Dadkoo gama'san gaadh Faranje iyo galawga moyaane
Bal garwaaqso xalay baan guntaday galin dhexadkiiye
Gooraan ninkii dhaqayba waw guul daro iyo ciile
Haddaan Guulle ii soo kaxayn Guban ma taageene
Gabangoobbi guri xaalfa iyo Gol uma daayeene
Waakaa guduudkii ka ba'ay goobadii shuqule
Gadhfeedh iyo Madheedkii Dannod Gawlalliyo Caado
Gaaraabidhaanle iyo intaa godod u sii jeeda
Halka Yicibta laga soo guriyo Gubadki Qaansoole
Gorgor iyo Garboole oo degmadu geedi ku ahaatay
Wax dheexaad diraac gamashigeed geediyaal raraye
Gabri iyo intaan Tuur-Wareen guudka uga meersho
Gadaal baan ku soo furi lahaa goosay meel badane
Garwaanlaana waw daban lahaa Good anoo wada'e
Dhaaxaan Diraac gamashigeed geeddiyaal raraye
Gartallawga waataan wax badan daba galluubnaaye
Sidii Gorayadii Riinji iyo Garane daaqaysay
Waataaan biyaha uga go’ay ee geeri lay filaye
Markuu kabaha gaadhkooda sare guudka ka idlaaday
Gondahayga Jiiq iyo ka guray Gocondho shaydaane
Kolkay Ayda soo wada gashee gobolba meel aaday.
Goonyaha isaga soo duwoo geed bidhaansadaye
Casarkii intaan godin la kacay gaaf u soo dhigaye
Gabbalka iyo fiidkii markuu Gabanku soo dhaafo
Ee xerada lagu soo genbiyey gaabiskii tebaye
Ganto baas la soo roorayoo guura-baaba'aye
Hadba gegi Cidla joogsadoo guux dhegeysadaye
Meeshaan gadiidkii ka rogey soo garwaaqsadaye
Habeenkaa sidii Cawl la ganay gooxa yuururaye
Markuu waagu ii galalax yidhi goosankii helaye
Anoo gaajo weyn qaba u imi kaan ka soo gudaye
Gabnada iyo candhoolaha nirgaa lagu gunnaynaayo
Intaan fidhinfidhlaha soo gogladay gaar u fuuqsadaye
Dabadeed Ganuun buuxa iyo Gaawe raacsadaye
Gartuubtiyo Caleentiyo markuu Gawdhadhka idlaysto
Gadaal buu ku oomee markuu golongolee dhuubto
Gadhtallawga maantay Nugaal Garawo soo aaddo
Iyada oo Harraad gubey ninkii Guuliyaan ahaye
Garanuug an toogtiyo ri' aan galin dhan hiigaayay
Gog halaad intaan u xidhay goof ku soo degaye
Gunta Caynabo laysaku xidhay galay salaadiiye
Hadba gacan ka daray uumiyuhu ways gerbinayaaye
Qoraxdoo gabaabsiya anigoo guraya lay yeedhye
Gaban-goobbidii iyo la tu'i gegidi hiireede
Gayaxay ahayd meesha iyo gelin horaadkii'e
Gaawaha markii lala galee godolna loo taagey
Ay Gorofka sida reer la miray geba-gebaynaysey
Afartii gudboonaa markii lagu garaacaayey
Gabno looma yeedhyeedho iyo Ganya dhega-weyne
Marqihii guduudnaa haddii goodir laga buuxsho
Gurboodkiyo nin gaajaysan iyo gacalka mooyaane
Aniga iyo ninkii ila gudboon waa ka garanuuge
Afkaygana ma gelin meesha iyo garashadaydiiye
Markaasaa gadaalkana durduur lagu garaacaaye?
Sida Gaadhi boosh lagu guroo galab carraabaaya
Gug bay soo tidhaahdaa waddada qoobka gelisaaye
Habeenkaa guryaha Baalidhaye inay gashaa weeye
Goblamahakan tuug iyo Dhurwaa gaadayaa jira'e
Dhaaxay intay daba galeen gurada jeexeene
Gami'i mayno ee waa inaan gaadh ka qabanaaye
Rag gadaaman baa labada fiid goonyahaw baxa'e
Goonbiyado iyo bay sitaan gaabanow Sumuc'e
Guduudkay istaagtaa sidii gaal ugaadhsiyahe
Aniguna geddeedaan baratiyo caynka loo galo'e
Markaan oodda gees uga duway gudub u jiidhaaye
Subaxaa ninkii garanayoow gadantay Mayliige
Waa inay Gurracan sii martaa gobabki dheeraaye
Maantaa waxay geleleftaa gudihi Dhoomoode
Gobka Heelmaraalay ka bixi gaafki dhererraaye
Galgal iyo miduun baa la geyn gumaci Tuur-Uuse
Geedmadowga iyo Seerigaa Goodir loo dhigiye
Halkaasay kalkii soo galaba dibuga gooshtaaye
Garab-weynta iyo Rimayda iyo Goodirkiyo Qaanka
Gaaleemaduu xooray buu gugu Hillaacaaye
Oo gaadda weynoow Ratigu gii'da ka hayaaye
Nin waliba sidii uu u galay gumaradeed tuugye
Col gingiman gurgurin laysu guray talo la gawdiidshey
Guntiga iyo Feedhaha ku xidhay Gumuc Rasaaseede
Gabgabbiga habeenkaa dhul dhexe Gawre nagu laaye
Ilaalada horeetaba gurnay iyo wiilashaan garanne
Wax la sii gucleeyaba la arag reero goonniyahe
Gaashaanka noo ride intay gacanta muujeene
Gudguduudka waaberi dagaal lagu galaydh-xoorye
Gardarrada raggii loola tegey Gamaska loo qaadye
Ka gug-siinnay meel lagu go'ay Goojo dheertahaye
Wax la sii garaacaba markaan gelin dhan qaadayney
Gaydhooy raggii maali jirey Guruxa soo saarye
Gungunnaaga uga leexanniyo Geel-ilaashaha'e
Maadhiin gariiraaya oo gur isu dhaafaaya
Giiryaale miihiye naftaba geed ku soo xidhaye
Geerida ilaahbaa hayee Gaaddankaw hadhaye
Ka gaddoome Guutaa waddiyo Gaaski loo wacaye
Gebagebaha loo dhigay halkay goray ka yuusaysey
Iyadaan Xabbaadhiiba go'in gool ka dhuun jaraye
Ka gig-beelnay Darib laysu guray gudurka mooyaane
Adiguba garaad waw lahayd goobahaan dhigaye
Gubniyaal Sarkaal iyo haddii Goondharku u fuulo
Geyi lagu beriiiyaa ma jiro Gobiyo Heemaale
Waa kaa ka soo guray halkay goray ku sheellayde
Sida Mawdka loo go'o dhulkuu gelelefaayaaye
Guudaan ha laayo'e ka tegey gacaladiisiiye
Gurya caydhi waa badanyihiin gees la eegaba'e
Nimankii Ogaadeen u galay gaankii Habar Yoonis
Gaadiidna nimanbaan ka raran gaar u hayn jiraye
Dhaaxay sidii goonni-daaq gubadka daajeene
Gashi ay qabeen iyo ma jirin goddob ay hooyeene
Nimanbaa ganteeyaye iyaba Gaanle ma ahayne
Garaad Faarax laba goonjibay guluf ku dhaafsheene
Gadhmadowda Reer Gorod Xirsiyo Galacba waa caydhe
Waayadan ganuun looma shubin malahay Gaandaa'e
Gartii weeye Cali Dhuux inuu gama'a diidaaye
Gaajiyo Haraad bay badeen gabannadiisiiye
Godbardaale iyo maalintay Gaabo ololaysay
Hadaba waxan ka galiilyoonayaa gadhadhacdeediiye
Galaasyaaba lagu malayaa Gaawihii dhigaye
Niman aan af garan waayay ayaa goonjigii cunaye
Guntiin lacaga, gaandaha lo'aad ginigi Nairobi
Gasab kale inaan dhaafsaday gocatay laabtiiye
Maxaa Gaadlayaal iiga dana waaba gadayaaye |
|