Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 14aad
 

GARTA XEER-BEEGTI.

Maganta:Magantu marka hore waxay u qaybsantaa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timi oo kula joogta, Magan kuu timi kaana tagtay iyo Magan kugu socota.

Hadii maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad xeer leedihiin waxa ka timaadda dhibaato badan, waana la isku dilaa, waxaana badiba dhaqanka Somalida ka reebban in maganta la laayo, laakiin maganta lafteeda way kala duwan tahay marka ay cidda kuu dhaaftaa kuu garanayso iyo marka aan laguu garanayn, iyadoo aanay marnaba wanaagsanayn in maganta la laayaa.

Masalan ninka gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo ee ilaa saddex awow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo) kaa doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo ah magan kugu soo socota la dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa nin kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu kugu qaldmay, markaa way kala kiis culus yihiin.

Tusaale ahaan Oday la odhan jiray Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa ragga fiicnaanta aad loogu majeerto oo degaamada Togdheer u dhashay ayaa berigii dambe u kudaalay jiidaha bariga Sanaag, gaar ahaan degaamada Badhan, dabadeedna waxa la siiyey gabadh reer garaad ah, ka dibna wuxuu yidhi muddo markii aan joogay ee aanu raggii is wada baranay ayaan maalintii dambe shax la ciyaaray nin gabadha uu qabo ay kala jilib yihiin, waxaanse nala jooga seediyaday ninkii u sitay, dabadeedna ninkii shaxda ila cayaarayey ayaa igu yidhi “Waar bal Inan gumeedkan xun eega”, ka dibna Shaabuug aan sitay ayaan damcay inaan shan ku dhufto, laakiin seedigay ayaa igu soo booday oo I qabtay, wuxuuna igu yidhi “Waar Axmedow nin fiican baan ku moodayaye, balse ma tihid, wax baan ku waydiinayaaye ma taqaan ninka hadii la dhirbaaxo shanta qaalmood ee xaalka ah laga qaato, hadii la dilo oo Toorray lagu dilona ay kii Toorayda ku dhuftay iyo kii dhirbaaxada xaalka ka qaadan lahaa ay Tooridii lagu dilay hilibka ku wada cunaan”, ka dibna aniga oo cadhaysan ayaan ku idhi “Maya ee ma aqaan”, ka dibna wuxuu igu yidhi “waa adiga oo kale”, dabadeedna markii uu hadalkaa igu yidhi ayaan maalintaa ilaaway wixii tolkay kaga soo kudaalay ee aan ka tirsadday, waana soo guuray.

Ninkii gabyaaga ahaa ee la odhan jiray Xaleef ayaa gabay uu ku tiriyey wuxuu ku yidhi “Waa baylah joog inan la yaal, bilisi hooysaaye, Shisheeyuhu bukaan kuma rog-rogo, kumana baantaane”.

Xaal : Hadii aad maqasho hebel xaal hala siiyo ama arintaa xaal baa ka waajibay waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, laakiin waxa lagu sameeyey isna samayn kara, balse si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan) ayaa lagu dhaahiyaa xoolo ama la siiyaa xoolahaasna waxa la yidhaahdaa “Xaal”. Bal aynu tuducan gabayga ah “Calow maqal cantuugad badhkeed waa calool melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal ciyaar iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu ninka wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.

Waxyaalaha xaalka la isu siiyo waxa ka mid ah, Garowshiinyo oo ah in ninkii xumaanta loo geystay loo garaabo oo la yidhaahdo raali ahaa waanu kugu qaldanaye. Waxa kale oo ka mid ah in Faras xaal loo siiyo, sidoo kale gabdhahana xaalka waa la isu siiyaa. Hase yeeshee had iyo goor waxa xaalka laga bixiyaa marka aanay meesha qoomo jirin ee ay wuxu yihiin aflagaado, laakiin hadii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.

Waxa kale oo jirta arin laba xaalley la yidhaahdo, taas oo ay tusaale ahaan ka mid tahay masalan gabadh la qaboo oo reerkoodii la taal ayaa la kufsaday, marka ay taas oo kale dhacdo gabadha reerkoodii ay ka dhalatay iyo reerkii qabay ee ay u dhaxday labaduba waxay yeeshaan xaal, taas oo kalena waxa la yidhaahdaa laba xaallay. Hase yeeshee waxa jira arimo had iyo goor ninka ragga ah looga baahan yahay inuu ka dulqaato, masalan hadii uu qaladaad ka soo gaadho xigtidiisa ama saaxiibadiisa waa inuu inta badan iskaga dulqaato oo aanu ka kiilqaaddan, laakiin hadii uu dulqaadan kari waayo waa inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa waxaas iyo waxaas ayuu ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka nahay igu sameeyey ama waxaas iyo waxaas ayaan kaga cabanayaa, iyadoo cabatinkana inta badan lagu dhameeyo dhaahin iyo raali gelin, hadiisa ay intaana ku dhamayn waydo ninkii cabanayey waa inuu Naqaa, naquna waa guhaan, laakiin sidoo kale hadii ay intaasna ku dhammaan waydo waa inuu ninka wax laga tirsanayaa yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waana inuu ninkii wax tirsanayey garnaqsado, hadiise uu ninkii laga cabanayey garaabi waayo, waa inuu ka ergoodaa oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo hadii aanu ka ergoon oo aanu kaga eerran cidda xidhihiisa ah oo aanu odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax samayso taa waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay hadii sidaa yeesho oo adiga oo aan ergoon aad wax samayso waxaad markaa lumisay milgo weyn oo aad lahayd, hadhowna laguu garaabi maayo ama waa lagu canaanayaa, waayo waxa kugu fillan miyaad nagu soo sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.
 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com