Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 10aad
 


Weli waxaynu ku jirnaa gar dad-ban oo ah gar noocyo dhawr ah u qaybsanta, waxa tusaalayaasheeda ka mid ah, nin baa waxa uu ka af-roonaaday (Ka aftahamaysnaaday) niman kale oo ay isku mijlis yihiin, dabadeedna waa loo faqay oo waxa la yidhi yaanu jaanis heline waxaynu odhanaynaa hebel baa gudoomiye ah. Arrintii baa ninkii loo sheegay, ka dibna wuxuu yidhi "Maxaynu ku falaynaa gudoomiyaha", dabadeedna waxa lagu yidhi "Gudoomiyuhu hadalka saxa ah wuu sii daynayaa, hadalka qaladka ahna wuu inaga joojinayaa’, ka dibna ilayn waa tii la yidhi "waayeel hadalkiisa kaftan ayuu ku dhamaystaaye", markaa ninkii baa ku jawaabay "Oo hebel muxuu ka kala garanayaa hadalka saxan iyo hadalka sirgacan", hadana waxa lagu yidhi wuu kala garanayaa. Intaa kagama hadhine wuxuu hadana yidhi "Bal ma tijaabiyaa inuu garanayo iyo inkale", waxa la yidhi "Haa", ka dibna ninkii isaga oo tijaabadii wada ayuu yidhi "Waa baanu anaga oo col badan ah duulay, markii aanu jidka maraynay ayey laba nin oo colkayaga ka mid ahi is-dishay, dabadeedna mid baa inta uu bahal nabar ah lka dibna geed baanu jiifinay, colkii naga soo horjeedayna wuu nagu dhow yahay. Ninkii dhaawaca ahaa isaga oo halkiisii jiifa ayey labadii col is-galeen oo ay sanqadhu yeedhay. Illeyn lexajecladu waa shay sun ahe ninkii dhaawaca ahaa inta uu soo kacay oo uu kaga dhigay Caydhi ma bukooto ayuu is yidhi "oo hadaadan colka la socon ma cid baa geela la soo qaado wax kaa siinaysa", dabadeedna inta uu Maya isugu jawaabay ayuu soo hadaafay oo halkii ay xabadu ka dhacaysay ee weerarku ka socday yimi, halkaas oo uu dagaalkii wax ka galay, laakiin xabad baa ku dhacday, wuuna dhaawacmay. Ka dibna waanu soo qaadnay oo aanu dhaawiciisii guryo keenay, isla markaana geelii la soo qaaday saamigiisii ayuu qaatay, laakiin wuxuu u dhintay dhaawicii, markaa waxaan ku waydiiyey ninkaa magtiisu waa imisa ?", dabadeedna ninkii gudoomiyaha lagu sheegayey ayaa yidhi "Dee waa 100 halaad", hadana ninkii wax xujaynayey ayaa yidhi markhaati ka ahaada inuu boqol ku sheegay", waxay yidhaahdeen "hadii aanay boqol ahayn hadaa waa imisa", wuxuuna yidhi "Xabbadda ninka ku dhacday guluf dagaal bay ku gaadhay oo cid ku dhufatay lama garanayo. Markaa magta ninkaasi waa dubaaqadii inaadeerkii ku dhuftay", markaa arintii sidaas ayey noqotay, ninkiina sidaa ayuu gudoomiyenimadii ku waayey, iyadoo ay arinta dhex ka ahaayeen nimankii gudoomiyaha u doortay.

Tusaale kale hadii aynu soo qaadano, waxa jiray nin reer Berbera ah, isla markaana ku dhashay magaalada Burco, ninkaas oo la odhan jiray Ina kulunbe oo ahaa nin xikmado badan ka tegay, sida xikmadda ah "Heesta geelu way kala horaysaa". Ina kulunbe ayaa mar walba lagu yidhaahdaa "Ileyn inagu ragna ma nihine raggi rag ahaa Burco ayuu jiraa", dabadeedna markii hadalkaa laga dayn waayey ayuu ninkii Ina kulunbe kharash badan soo qaatay, wuxuuna tegay ama yimi Burco, ka dibna wuxuu yidhi "Meel merfesha ah I geeya", waa la geeyey, mise sheeko kale laguma hayee intii ay qolada reer Berbera ku sheekaysan jirtay ayuun baa halkana lagu hayaa. Markii uu ilaa afar merfesh tegay ee ay sheekadu isku wada mid uun noqotay ayuu maalintii dambe meerfesh ay rag badan oo xikmad lagu tuhmayey fadhiyaan ka yidhi "Waar niman yahow waxa nalagu wareeriyey raggii rag ahaa Burco ayuu jiraa, ka dibna markii aan idin eegay aniga ilama ihidin niman laba waxarood kala saaraya, dabadeedna raggii meesha fadhiyey way xanaaqeen oo waxay ku yidhaahdeen "Miyaadan nin rag ah ahayn maxaad sidaa noo leedahay", ka dibna wuxuu ku yidhi "Waar bal is-qaboojiya hadayba laba waxarood is hayaane, markaas dhaqanka waynu wada naqaanaaye riyaha da’xilada dhalaa ceesaanta ugub ee ugu danbeed dhasha ee Orgiga ku curata waa laga gawracaa, laakiin ceesaantaasi hadda way mataanaysay oo laba Orgi ayey dhashay,dabadeedna waxa loo baahday in labadii Orgi mid la gawrco, laakiin labadii Orgi ayaa wada dacwiyey, dabadeedna labadii Orgi kii soo dhacay ayaa yidhi anigu ma ihi kii u dambeeyey ee ceesaantu dhashay oo kan ayaa iga dambeeyey ee isaga hala gawraco, Orgigii kale ayaa isna dacwiyey oo yidhi anigu ma ihi kii ay ceesaantu ugubi ku curatay ee waa ka iga hor-dhashay ee isaga hala gawraco", markaa sheekada ha u arkina laba waxar ee meesha geeri ayaa taala’e kala saara labada waxar kee baa la gawracayaa, ka dibna qaylada iyo buuqa ayaa cirka isku shareertay, qoloba mid bay tidhi waa la gawracayaa, halkaas ayey isku khilaafeen oo ay qoloba mid tidhi kaasaa la gawrcayaa iyo kaasaa la gawrcayaa, markaas ayuu ninkii Inakulunbe yidhi "Maxaan idiin sheegayey"...
 

Nimankii iyaga oo murmaya ayuu Ina Kulunbe Berbera-diisii iskaga noqday, laakiin qoladii reer Burco ayaa sharad iyo sharad isku dhigtey oo ka daba tegay Ina Kulunbe si uu markhaatiga ugu kala furo, wuxuuna meel gole ah ka yidhi "Reer Berbera waydinkii lahaa ragga Burco ayaa kaa wanaagsane ogaada inay aniga ra’yi iga martiyayaan", ka dibna nimankii sharadka isku dhigtay ee isula yimid wuxuu ku yidhi "Waar garta labada waxar way hawl yartahaye Burco iskula noqda" halkaas ayuuna sheekadii ku xidhay.

Sheekadan lafteedu waxay inoo cadeynaysaa in kaftanku yahay gar, laakiin waa garaha dadban ee aanay dadka badidiisu fahmi karin.

Garta Muslax haddii aynu tusaalayaal iyadana ka bixino, waxa jiray ama dhacday gabadh qurux badan oo godan ka bax ah lana odhan jiray Maydhan. Gabadhaas nin waliba wuxuu is-yidhi Allaylehe taasi adiga ku yeeli mayso, ragga qaarna markii ay arkeen waxay is-yidhaahdeen koleyba tan waa la qabaa, laakiin iyada lafteedu markii inan ragba agteeda ka waashay waxay is-odhan jirtay tolow maxaa raggu kugu arkay ee mid qudhi kuula hadli waayey.

Dhinaca kale gabadhaa reerkooduna waxay ku xisaabtami jireen inay gabadhooda Maydhan yarad buuran u goynayso, oo haddii ay cidi ay guur ugu soo gole fadhiisato ay arrinta yaradku noqonayso afkaa-dhabasho iyo waxay qabsadaan. Muddo ka dib Maydhan aabaheed iyo nin ay qaraabo yihiin, isla markaana yaraantoodii saaxiib ahaayeen oo isku soo kacaameen, laakiin intii ay waaweynaadeen ay kala tasoobeen ayaa maalintii dambe is-helay ka dibna waxay arrintoodu noqotay "Gacal kala maqnaan jirey iyo geeluba way isku ololaan."

Waqtiga ay is heleen waxay labaduba ahaayeen geel jire, ka dibna nabdaado qurux badan markii ay is-dhaafsadeen ayaa war duleed la kala bogtay, waxa la iska waraystay tigaad iyo tows abaareed wixii jirey. Waxa kale oo la iska waraystay nabad iyo khoof wixii jirey. Intaa ka dib hoos-baa la iskula dhaadhacay, iyada oo ay sheekadu noqotay hebel ka waran, heblaayo ka waran, heblaayo yey u dhaxday, hebel yuu ka guursaday, adigu maxaad ubad iyo adduun haysaa?. Waxyaalaha markii la iska waayo waraystay ee sheekooyinkii duleed iyo kuwii hooseba la dhamaystay ayaa Maydhan aabaheed lagu yidhi "Oo reerka wax hablo ahi ma ku hadheen", wuxuuna ugu jawaabay "Inaadeer dhawr baa jooga", ka dibna isaga oo ninkii kale dhaqanka ilaalinaya ayuu yidhi "Inaadeer ta u roon magaceed", Maydhan aabaheedna wuxuu ugu jawaabay "Maydhan baa loogu yeedhaa". Haddana wuxuu u celiyey "Inanka geela ila wada ayaan gabadh fiican u doonayey, inagana xidhiidhkeeniibay soo celinaysaa ee gabadhaa wiilka ii sii", Maydhan aabaheed-na wuxuu ku jawaabay "Inantaydu way iga talo qaadataaye, wiilkaagu ma kaa talo qaataa", kii kalena wuxuu ku jawaabay "Waar bal ninkaa daya, oo ma waxan kuula ekahay nin ubadkiisu talo dhaafo", haddana Maydhan aabaheed wuxuu yidhi "Xaash’e ma tihid, gabadhiina waan ku siiyee, iga gudoon", dabadeedna arrintii waxay ku dhamaatay hoo iyo gudoon. Intaa ka dib ninkii odayga ahaa wuxuu wiilkiisii ugu bishaareeyey oo uu ku yidhi "Aabe waatii balankeenu ahaa inaan gabadh kuu doono oo kaaga yarad bixiyo, ka dibna Maydhan oo ina hebel ah reer-na ka dhalatay baan maanta kuu doonay, isla markaana qorigeenii maadhiin yaraha ahaa iyo faraskiiba gabaati baan u bixiyey", wiilkiibaa dabadeed yidhi "Aabe hawraarsan", odaygiibaa isna yidhi "Aabe Gudoon waana inoo biyo gu’."

Dabadeed markii gugii la gaadhay ayey odaygii iyo wiilkiisii iyaga oo wada shan geel ah oo dhogor ah ayey u tageen Maydhan aabeheed, halkaas ayaa meherka lagu duugay, aqal-na loo dadbay, iyada oo habeenkaa loo kala tagey Maydhan iyo wiilkii la siiyey, si ay isu bartaan, waxaana la maray qaabkii ardaa dhig lahaan jirey, iyada oo hadalka lagu soo gunaanaday gabadha nagu dara iyo yeelnay. Ka dibna nimankii soo ardaa dhig tagey waxa lagu daray Maydhan oo tiicaysa iyo afar oo xoogga ka masa ah oo dhibaad ah.

Maydhan markii la guryo geeyey waxa loo weegaarey aqal laba daryaale ah oo bari u jeeda, halkaas oo galbiska iyo ciyaaraha dhaqanka loogu dabaal-degay, iyadoo loo dhigay bahal aroos ah oo la isku arkay. Markii ay todoba baxeen ayaa guryaha baal looga saaray oo meel xeryaha ka baxsan aqal looga taagey, muddo markii laga joogo ayaa niman ay ilma adeer yihiin wiilkii Maydhan guursaday waxa u yimid wiil ina abtigood ah oo cirka laga soo hindhisay (ragganimo dhaaf), magaciisana la yidhaahdo Duullane, isla markaana wuxuu uu wataa bahal faras ah oo sheeggan, ka dibna wuxuu ilma abtiyadii ku yidhi "Walaahi naagtaa deyn maayo", sida caadadu ahaydna raggii hore been kuma dhaaran jirin.

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com