Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 09aad
 

Gar-muslax: Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan yihiin, iyadoo taa loola jeedo in mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ama ku haboon, Somaliduna waxay tidhaahdaa "Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa". Sidaa awgeed Gar-muslax waxay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiin gar-mulsax marka la eego dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma qadiso, waxaana la qaybiyaa waxa la isku hayo, isla markaana garta muslax dabeecadaha ay leedahay waxa ka mid ah had iyo goor caqiibo-xumo ma keento oo meesha kama saarto ama ma kala dhantaasho waxyaalaha ay ka mid yihiin toliimada, gacaleeyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada ama wax kasta oo hore u jiri jiray uu mujtamacaasi ku dhaqmi jiray oo xeer iyo xanaan u ahaan jiray ama arimaha loo xillan jiray ee dhaqanka nolosha qayb ka qaata ama saamayn ku yeesha, isla markaana garta muslax ma laha wax Axdar (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah ama saraaye ah, sida Millad (Dhaar) ama markhaati la isku jirrabo IWM.

Ta kale garta muslax waxay ka mid tahay garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado ama kuma degdego, isna wax-ba kuma naqsado garta cadaawe, sidaa darteedna ninka samataliska ahi waxa uu had iyo goor ku dedaalaa inuu gar-kasta oo loola yimaado ka baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe. Tusaale ahaan nin baa waxa uu ahaan jiray nin hal-adag oo aan had iyo goor ragga u hanbayn oo ragga ama cidda isula timaadda wax-kasta oo kala gala ama ay isku hayaan xal u helideeda ka gun-gaadha af iyo adin-ba, dabadeedna ninkaasi maalin maalmaha ka mid ah ayuu nin ka mid ah raggii ay isku degaanka ahaayeen si daymo leh u eegay, isaga oo qiimaynaya raganimadiisa ama shakhsiyadiisa, ka dibna intuu sidaa u eegay ayuu yidhi "Ninkaa hebel nin fiican ka tegi-maayo", taas oo ula jeedo waxa uu noqonayaa ama uu yahay nin fiican, dabadeedna waxa lagu yidhi "Waayo", wuxuuna ku jawaabay "Waanu hanbayn."

Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", taas oo ay ulajeedaan laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo reebta, taasna waxa laga yaabaa inay dad gacal ah ama tol ah kala fogayso. Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax. Ta kale had iyo goor marka uu is-qabad yimaaddo waxa fiican inaad waxyaabo badan iskaga tagto oo aad mar walba arinta kor ka xaadiso, taas oo loola jeedo inaanad had iyo goor si saqajaanimo ah u xisaabtamin ama aanad si xun wax u qod-qodin, iyadoo ay Somalidu ku maahmaahdo "Lafahana gur xarogana haka tegin".

Sidoo kale waxa la yidhaahdaa, "Findhicilku ma xaaraan baa mise waa xalaal iyo soo hadal-qaadkiisaaba xun."

Waxa kale oo la yidhaahdaa "Gobanimada waa waxaaga oo aad wax ka tagto", sidaa darteed waxay gobanimadu ama wanaaggu ku jiraa inaad had iyo goor is ururiso, taas oo ay arintu ku qurux badan tahay inaanad cid walba la garnaqsan ama aaddan wax ka gun-gaadhin ama biyo-dhiijin. Waxa kale oo jirta hadii qof ay gari idin dhexmarto oo aad ka gar hesho waxay xaqiiqdu tahay inaanu qofkii aad wada dhalateen ama saaxiibka ahaydeen marna ku calools-samaanaynaa garta laga helay, sidoo kalena hadii adiga lagaa gar helo ku calool-samaan maysid, taas oo keenaysa in qof aad isku wanaagsanaydeen ama gacal ahaydeen inaad kala weji dadabtaan oo aad xataa salaanta sharciga iska qaadi-waydaan, iyadoo laga yaabo inaydaan qofkaa kala maarmin karin oo ay mar walba dano iskaga kiin xidhmaan, ilayn dadku hadii uu meel ku wada noolyahay waxa ka dhexayn kara ama ka dhexeeya xidhiidh iyo macaamil nololeed oo ayna ku kala maarmin karine. Sidaa awgeed garaha waxa ugu nasteex badan garta la yidhaahdo Gar-muslax.

Gar dad-ban: Gartan la yidhaahdo Gar-dad-ban dadkeenu Somalidu si fudud bay isaga dhexgalaan, taas oo aanay moodin in gartani tahay mid garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), waxayna si fudud u galaan markhaatigeeda, dhexnimadeeda.

Waxa jirta xikmad tidhaahda "Qosola hiil leh", taas oo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo oo isaga oo hadlayo hadal kale la dhexgeliyo.

Waxa kale oo garaha dad-ban ka mid ah labada nin ee iyaga oo iska soo horjeeda isu gabya, labadaas nin oo ka gabayga hor-tiriyaa uu noqonayo muduci, ninka kale ee gabayga loo tiriyey ka jawaabayaana waxa uu noqonayaa madaacale, isla markaana ragga isu gabya waa ta had iyo goor la yidhaahdo hebel baa gabaygii ama heestii laga helay.

Sidoo kale waxa garaha dad-ban ka mid ah wiilka iyo gabadha isu heesa ee la yidhaahdo wiilka ama gabadha ayaa gar heshay. Laakiin hadii aynu tusaale u soo qaadano gabayo la isu tiriyey waxa ka mid ah: "Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna, waan odhane" tuducani waxa uu ka mid yahay gabay uu tiriyey nin gabyaa ah oo la odhan jiray Qammaan Bulxan. "Hadal waa gun iyo Maxamedow gar iyo maahmaahe, gabayna waan aqaan oo ma jiro nin igu gaadhaaye", tixdanina waxay ka mid tahay gabay uu tiriyey gabyaa la odhan jiray Salaan Carabey. Nin kale oo isna la odhan jiray Ismaaciil Xaleef ayaa gabay uu tiriyey waxa ka mid ahaa "Waa godob gefkaa nagu fasheen, waana noo gacane".

Waxa kale oo arimaha garaha dad-ban soo gala ka mid ah waxa loo yaqaan "Dadab-galka" oo ah marka ay cidi yarad u doonato cid kale oo gabadh ka qabta (Yarad doonashada), waxaana munaasibadaa yaradka la isku waydiisanayo ka dhaca ama la isku dhaafsadaa waxyaalo ay ka mid yihiin:Gabayo, Maahmaaho, hadal muduci iyo madaacale ah, hadalo araar ah iyo hadalo afeef ah iyo hadal dacwi ah, waxaana mar walba doodda lagu gebagebaynayaa hadal asluubaysan oo aan wax turxaan ah iyo wax cay ah midna lahayn, waayo goluhu waa gole xidid, sidaa darteed waa inuu yeeshaa xishood iyo milge gaar ah oo aanay golayaasha kale lahayn, tusaale ahaan nin aad isku geel-jire ahaan jirteen ama aad saaxiib tihiin oo aad si walba u kaftami jirteen ama aad is-caayi jirteen-ba marka aad golahaas oo kale aad isugu timaadaan, hadalkiinu waxa uu la mid ahaanayaa hadalka golaha yaal, waayo waxa la yidhi, " Hoos-ba hadalkiisa leh".

Sidoo kale waxa garaha dad-ban soo geli kara kaftanka iyo jareexada, waayo kaftanka ama jareexadu waxa uu leeyahay mid si kulul oo dhalaax-qaad ah la isu-dhaafsanayo iyo mid si hufan oo macaan la isu dhaafsanayso oo ay laba ama koox is kaftan taqaan is-dhaafsanayso, waxaana taas oo kale ka garnaqsanaysa dhinacyada wada hadlaysa ee kaftanku ka dhex-ooggan yahay, isla markaana waxa isu dhegaysanaysa oo meesha ka guddi ah cidda markaa golaha joogta ee isu dhegaysanaysa, sidaa darteedna marka uu kaftanka caynkaas oo kale ahi socdana waxaad arkaysaa iyadoo la leeyahay, taasi waa xaal, hadalkaasi waa meel-kadhac iyo waxyaalo la mid ah ama waxaad arkaysaa iyadoo hadalkaba laga xidhayo labada nin ama labada kooxood ee aan kaftanka isla marin-garanayn ama isla wadi karayn...La soco cadadka dambe.

 
 
 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com