Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 08aad
 


Dacwi: Dacwigu waa halka ay gartu u dhimato (Ugu muhimsan), allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale kala baxa ama ka saara.

Nin gabyey ayaa yidhi “Raggu ka simman sagaalka iyo magta iyo suurad guudnimo’e , misna kama sinaadaan aqoon soofe iyo liide, sakal adag saraayaha markuu saajac ka hadlaayo, soke nimu bartiyo xaraf yaqaan saami kala geeye, nin siyaasad dheer iyo badwina kala su’aal roone”, waxa gabaygan tiriyey Ismaaciil Xaleef.

Dacwigu waa sida aad wax u leedahay oo aad sheegto iyo sidii aad uga hor degi lahayd waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, iyadoo ay ereyada la odhanayo ee ninka ka soo horjeeda laga sii hor-degayo ay ka mid yihiin “Hadii uu odhan doono” IWM. Isla markaana adiga oo hadalka ku odhsanaya af-macaan, waxna aan dhimayn, waxna aan dhaafayn, kuna daraya talo iyo xirib.

Maluug: Waa wax kasta oo aad tuhunto, laakiin aaddan cadayn u hayn, sida tusaale ahaan nin aad is disheen oo agtaada qori ama hub kale la marmaray, taas oo ay dhici karto inuu kuu sito iyo inaanu kuu siddan ee uu iskii isaga sito, balse aad shakiday oo aad u malaysay inuu adiga kuu sito, laakiin aanad caddayn u hayn, ka dibna ninka muduciga ahi waxa uu odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin, balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci baan ka fadhiyaa, hadii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”. Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo, iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga. Hase yeeshee marka uu muducigu markhaati-waayo, madacaalayguna markhaati helo buuxa (muduci-gawrac) waxa gar hela madaacalayga.

Marka uu muducigu helo markhaati kala dhiman, madaacalayguna waayo markhaati buuxa ninka muduciga ah ayaa lagu yeeshaa lug dhaar ah, dabadeedna hadii uu dhaarto isaga (Muduciga) ayaa gar helaya, hadii uu ka joogsado oo dhaarran-waayana waxa lagu gar-waayayaa ama gar helaya madacaalayga.

Hadii uu muducigu markhaati-waayo waxa markaa dhaar lagu leeyahay madacaalayga, ka dibna hadii uu dhaartaa maro waa lagu gar-waayey, hadii uu ka joogsadana waa lagu gar helay.

Marka ay muduciga iyo madaacalayguba helaan min saddex markhaari uu buuxa, hadana waxa lagu kala saarayaa dhaar, waxaana lagu gar helayaa had-ba ka dhaarta ka joogsada, hadiise ay labadooduba dhaartaan waxa markaa loo qaybinayaa wixii ay isku haysteen.

Ninka yidhaahdaa “Waxaas markhaatigii u fadhiyayow ka kac”, markaa ninkaa sidaa yeela wax markhaati ah lagu oogi-maayo, ninka sidaa yeelaana waxa uu qirtay wixii lagu eedaynayey ama loo haystay, laakiin sababta uu sidaa u yeelay ayuu sheegaa, taas ayuu dabadeed ku garnaqsadaa, sidaa awgeed waxa la waydiiyaa waxa uu isku difaacayo iyo markhaatiga uu isku difaacayo.
GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.

Waxa kale oo jira wax la yidhaahdo Markhaati-bacood: masalan waxa dhici karta inay isku dhegaan laba beerood ama daarood, oo aanay muddo cidina deganayn, ka dibna ay asaartii u dhaxaysay guurtay ama baaba’day, isla markaana aanay qolona haysan markhaati iyo cabir wax cadaynaya, laakiin ay qolo waliba dhinaceeda leedahay meeshaydu waxay ahayd halkan iyo halkan, sidoo kalena dadkii meesha yaqaanay iyo deriskiina waxay yidhaahdeen si sugan u garan mayno, balse waanu malaynaynaa.

Sidaa awgeed markay taas oo kale timaado qoladii tidhi si sugan u garan-mayno laakiin waanu malaynaynaa, ayaa loo dhiibayaa ul oo la odhanayaa meesha aad u malaynayso inay ahayd xariiq, taas oo haddii ay masalan dhawr qof yihiin marba qof la odhanayo meeshii xariiq ama is-dultaag, markaa taas oo kale ayaa la yidhaahdaa markhaati-bucood.

Waxa kale oo dhacda in qof yidhaahdo hashaas anigaa leh, dhulkaa anigaa leh ama shaygaa anigaa leh, kama iibin hebel mana siin, taas oo kale markaad tidhaahdo waxay noqonaysaa sheeko ama warbixin, waxayse gar noqonaysaa marka aad tidhaahdo “Gurigaa anigaa leh, inaan leeyahayna waan cadaynayaa ama markhaati baan u haystaa.”

Markaa arrinta aad cid u sheeganayso ama laguu sheeganayo ee aad iska riixayso waxa lagama maarmaan ah inaad markhaati u oogato, ama wixii kale ee aad cadayn u hayso, isla markaana marka aad gar ooganayso waxad raacin kartaa maah maah, odhaah, gabay, ama geeraar iyo murti kaleba marka aad taas oo kale markhaati u oogato waxa la yidhaahdaa Rugayn, laakiin marka aad hadalkaaga murti raaciso waa sii adkaysay oo waxa la yidhaahdaa lafayn, adiga oo weliba sii raacinaya “haddii ay ii cadaato waxay leedahay baan doonayaa”, balse haddii arrintii sheegto oo aadan hogteedii gaadhin cid kale wax kuugu dari mayso, waxaana jirta erey la yidhaahdo “Wixii kuu naf ah ka hadal ama maxaa kuu naf ah”, taas oo macnaheedu yahay wixii aad ku dacwiday ama wax daadefaysay inaad bayaamiso oo aad markhaati ama cadayn soo bandhigto.

Marka aad arrin iska difaacayso inaan gar iyo jid laguugu lahayn waa inaad sheegto, cadaynteedana raaciso inaan gar iyo jid laguugu lahayn, sidoo kale marka aad wax ku dacwiyeyso ama aad sheeganayso waa inaad wixii sheegto, caddaynteedana raaciso.

Waxa kale oo jira arrin kale oo la xidhiidha ama ku lug leh garta iyo dacwigeeda, taas oo ah wax la yidhaahdo Feenis (ka baaraa-deg).

Arrintaa macneheedu wuxuu yahay in inta aad debada joogto ee aadan soo gelin xayndaabka garta inaad arrinta debadda kaga soo baaraa-degto, taas oo loo baahanyahay in ciddii aad caqli ama garasho ku tuhmayso aad wax weydiiso si aad golaha ula tagto wax dhamaystiran oo aad shilinta iyo qodoxdaba ka gurtay, wixii kugu adkaadana waa inaad weydiiso ciddii aad aqoonteeda ku tuhmayso ama aad isleedahay arrintaa waxbay ka garanayaan, iyada oo loo baahanyahay inaad hubto in cidda aad wax weydiinaysaa ay tahay cid kaaga run sheegaysa wax aad weydiinaysaa, sidoo kale cidda aad wax weydiinaysaa waa inaad iska hubto inaanay waxa aad weydiinayso inay u gudbinayaan cida kale ee aad is-haysaan, sababta ay wax u gud-binayaan ha noqoto hiil, baahi ama xadhig xidhasho kaleba.

Ta kale marka aad gartaada marsanayso ma aha xoog ama jujuub waa inaad gartaada u bandhigataa si hufan oo aaddan waxba la hadhayn, isla markaana aad wax walba marsiisaa dariiqa ay leedahay, iyadoo uu garta dhaqankeedu yahay inay cid waliba arinta Axalo-cunsiiso, taas oo macneheedu yahay inuu qofku gartii oo saafan sheegto, isla markaana la waayo wax lagaga eed-sheegto hadii gartaa ambiil kasta laga qaato oo uu hadalku noqdo “Ina Sanweynena u geeyow gartu waa sidaa”.

Laakiin waxay iswaydiintu tahay waa sidee sida aad garta u Axalo-cunsiinaysaa. Taasi waxa weeye marka aad marto jidkan ee la yidhaahdo: Muduci ma kaa maqan yihiin wax aad u Cinbataa (Wax ma kaa xidhan yihiin)? Maxaa kuu naf ah ? Ma dhaabbadaysay? Intaas ayaanu naf kaaga soo qaadnaye maxaanu kaa dhaafnay, markhaatigaa maxaad u sheegaysaa oo xumaan ah iyo waxyaalo kale oo su’aalahan la mid ahina waxay ka mid yihiin qaacidooyinka garta dhaqanka.

Tusaale ahaan nin baa damcay inuu daadefeeyo nin markhaati ku ah, ninkaa markhaatiga ahina waxa uu ahaa nin dawersada, ka dibna ninkii wax daadefaynayey wuxuu yidhi “Mar hadii uu Caado-qaate yahay oo uu kunka shillin, boqolka shillin, ganbada iyo wixii la siiyoba qaadanayo inaanu kaas oo kale markhaati igu furi karin oo uu Caado-qaate yahay muduic baan ka ahay, waxaana iiga marag ah xer-beegtidiinaa.

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com