|
|
|
|
|
|
|
|
Dardaaran
Cabdi
Gahayr,
(Ciidagale)
Cabdi Gahayr Alla ha u naxariistee waxa ka geeryootay
ooridiisii hore markaasuu guursaday gabadh kale. wuxuu
gabaygan kula dardaarmayaa gabadhaa uu guursaday.
Wuxu yidhi Cabdi (Alle ha u naxariistee):
In gar xidhata ama guudka dabi,
gebiga soomaali
Waataan geyaan dumar ku nacay, lama gubaantiiye.
Adna geela waxaan kaaga madhay, gaaridaad tahaye.
Ha yeeshee wixii kula gudboon, garangartaad joogto.
Nirgaha guriga daaqiyo, ratiga geela laga reebo.
Waa inaad martida tii golmoon, gogosha siisaaye.
Waa inaad gasiin ugu dartaa, xeedhyo geedo lehe'
Waa inaad wax lama goofiyee, gaarna dhigataaye
Hadduu marada gaygayn ku dhaco, waa gunnimo weyne.
Waa inaan gambadu kaa xumaan golaha aad joogto.
Kol haddaan gacmaha loo xinnayn, kuma guduutaane.
waa inaad gadaal dhaashataa, garashadaydiiye.
Gudguduhu hadduu soo onkodo, geydhu waa halise.
Gufaacada horuu kaga ridaa, guunta buulka lehe.
Haddaan laba gufays laysku darin, gale dabayluu.
Gig ka siiso, gibil xeeranbay, guudka mariyaane.
|
|
|
|
|
|
|
|