|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
(1922 -2004) |
HJ, Reer Yoonis |
"History" - 1969 kii |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Gabaygan digashada ah wuxuu abwaanku tirshey inqilaabkii 1969kii uu Afweyne
dalka kula wareegay. Gabaygu wuxu ku diganayaa qolyihii Afweyne ka horreeyey ee
musuqmaasuqa iyo qabiilka ku caan baxay. Dhanka kale wuxuu Jaamac ka mid ahaa
dadkii badnaa ee ku khatalmay Afweyne Barre oo quuddarraynayey inuu dhaami doono
qawlaysatadii ka horraysay.
Nin waliba History soo maruu, ka hindisoodaaye
Gobannimada berigii la helay, halaski loo jiidhay
Heeryada gumeysiga kolkii, haragga loo reebay
Heeraayadaydii markaan, ku hiddi-waaleeyey
Een halacyadii soo rogtay, naga hagaageene
Taladaan la hubin jeer danbaa, lagu hantaaqmaaye.
Nimankaan hagaabaha marshiyo, Haykalkiyo dhaarta
Nimankaan horuu soo dhigee, hanadka moodaayey
Haamaannadii reer galbeed, hororradii Naato
Nimankii habaarrada qabay, ka hadhsanaayeene
Himalaay ka dheer buurahay, nagu hor gooyeene
Hitler iyo sidii Nabalyoon, bay u hanjabaayeene
Haadaa-qabiilkiyo kuwii, haybta nagu beeray
Nimankii na kala haadsadee, hororka noo loogey
Nimankii hunbaallaynayeed, habaska moodeysey
Nimankii hawaarsaday sidii, goray dhallaal haysta
Hablaweynta nimankii meteley, heerinka is dhiiba
Haawayda nimankii ahaa, haadda ka ordaaya.
Hindisaha markii Ina Siyaad, haatufku u yeedhay
Hurdaduu ka toosiyo sirtuu, ku hayey uurkiisa
Hammiguu u yeellaan jiriyo, himiladuu muujey
Goortuu halyeeyada la shiray, hurinta Aar-Siida(RC)
Layskuma huruufine dhaqsay, ugu heshiiyeene
Durba la hadle dhawr ciidanoo, heeganka ahaaye
Baabuurraday hayn jireen, halabsi loo fuulye
Iyagoo hubkoodii sitoo, haadh u soconaaya
Iyagoo huwaday tuutahaad, harag-shabeel mooddo
Hogol curatay, mayay hoorayay, ka hakan waayeene
Heegada daruurtiyo Fadkay, hoos gurdamayeene
Goortii hurdada loo ballamay, laga haleelsiiye
Hawadiyo dhulkaba soo maroo, hoygi laga saarye
Haadbiidhi labadii gacmood, laga haleelsiiye
Hog walaal nin qoday, waa inuu uga horreeyaaye
Halkoodaa u daa jeelka waa, ku habbanaayeene.
Waxba hadalku yuu ila durkine, waxan ku soo hoorshey
Hanfade iyo hunguri-taabac bay, talo ka hoostaaye
Hor ilaah adaan Maxamedoow, cidi ku hiifayne
Ooy hurinta Soomaaliyeed, kuu han weyn tahaye
Halkii aad istaagtaba ducay, ku huwinaayaane
Hindisii qarriban meel fogbaad, ku hol-garaysaaye
Habkii odayadeennii horay, kugu hilaadsheene
Adigaa hoggaanka u qabtuu, ku higsanaayaane
Halkan maayo geeddigu intaad, noo horseed tahaye
Noo hay beryaa Maxamedow, hibo laguu daaye.
|
|
|
|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|