|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
(1922 -2004) |
HJ, Reer Yoonis |
"Saamiga
qaldan" - 1965 kii |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Waa gabay uu abwaan Jaamac uu
tirshey xilligii dawladdii musuqmaasuqa ahayd kagana hadlayey waxqabad la'aanta
xukuumadda iyo lunsashada lacagaha dawladuhu ugu deeqaan dadka Soomaaliyeed.
Saamiga qaladani waa wuxuu, rag isku seegaaye
Sed-bursiinyo goortuu Bartire, sadada weydiiyey
Saddexdii cad Wiilwaal, markii la isu saaraayey
Sarar iyo lug buu doonayey, ay badhina siiyeene
Annagana sidii oo kale, bay nagu sameeyeene
Hadalkaasu inu saadiq yahay, waxaw saxeexiiya
Geelii Sitiinkii dhalay, ee loo sed tirinaayey
Iyadoo dadkii qaar surmiyey, soonna ku abaaday
Nin sideed halaad maalaya, bay sidig u raacsheene.
Soddonkii Malyuun iyo laggii, subaxba lay sheegay
Ma salaafadbaa xoolihii, la inna siinaayey
Ma sanduuqa xamarbaan wax galay cidi ka saaraynin
Ma Siyaakhadbaa lagu gatiyo, saacad wada Goola
Ma Sahrooyinbaa loogu tumay, saar ka bixi waayey
Ma socdaalladii imanayaa, sooryo ku idlaystay
Safarkii yimaaddaba kuwii, siday miyaa yeeshay
Soo qaadayaashii miyaa, nagu sabool gooyey
Ma safiir Talyaaniyo ragbaa, lagula saaxiibay
Ma Suweezaraa lala jiraa sidani waa yaabe.
Ma warkaan Sitiinkii maqlaa, Sebentigii gaadhay
Ma intaan u saaburahayaa, sebi ka qaan gaadhay
Ma sabaaladaan diidayey, baa saaka la istaadhay
Ma sarreeye meelbuu tegey, baa noo sed noqonaysa
Ma sarreegadbaan jirin hadday, sidan ku aayooto
Ma saliidda jiiftiyo biyihii, soconayaa awdmey
Ma saraacaddiibaan arliga, cidi ka soo saarin
Suuqii Tijaarada miyaan, sixirba loo doonin
Saxada iyo tacliintii miyaa, subaxba heer jooga
Ma saluugtan weynbaa ku jira, saanaddiyo xoogga
Ma ninkii sarkaal laga dhigaa, seegay marinkiisa
Santar-gabarman oo idil miyaa, kala sarrayn waayey
Ma subbeehigii bawgu daran, suuqa kula joogey
Safkii baxaba maantaa ragbaw, sababa meeshaase
Ma sagaal wasiir iyo Cabduu, saran yahay Koosku .
|
|
|
|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|