|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" |
HJ, Reer Yoonis |
"Libinta
ku heshiiya" |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Jiiftadan wuxuu Gacmadheere kaga faalloonayaa hungadii lagala kulmay jibbadii
reer Woqooyiga ee isku darkii Somaliland iyo Somali Republic ee 1960 kii.
Ha'da gabayga laga qaado, hawraarta maansada
Nin habeenno soo biirshey, hal-abuur ma keeno'e
Goortuu mid soo heloba, kan kalaa
hallaaba'e
Aniguna higgaadiisa,
horeba uma doono'e
Halkanaan ka soo qaadi, hadba
kaan ka doortee.
Afartaasi waa hoohad,
heego iyo roob lehe
Waa caara-hoorkiiye,
hogoshii ma curannine
Weligeyba hadalkayga,
ma hawaawi tuuro'e
Berritay ku haasaawi,
hebelluu u jeedaye
Hubsadoo fahmo u yeesha, ad hadhow qiyaastide.
Gobanimada soo hoyatey, halyarbaan ka gaadhaye
Wixii maanta ka horreyey, hana-qaad ma noqonnine
Hawadh baa inoo sheegtay, haadaa-qabiiliye
Waataynu hoganeyney,
goortuu hanjabayaye
Hilibkeenna inu quuto,
shan qolaw heshiisaye.
Innagoo hallawtiina,
hammi bayna daaraye
Nabsigaan habsaamayne, hurdadii ka toosnaye
Kuwii inna hareereeyey, inyar ku
hool -garaynaye
Hafrikada wixii bari ah,
hororkii ka saarraye
Ninna hadiyad kuma keenin, hantina uma sheegane
Qunyar libinta ku heshiiya, Hodankayna siiyaye.
Hurinteenna soomaali,
hal yar baan ka gaadhaye
Dhulkan waa la hayn waayey, hogadii Kaliishee
In horseedku socoteeyo, ka
haleeli weynaye
Humman bay isaga guurtay, degmadii hayaantee
Nin waliba halkuu joogey, Muqdishuu ka
haybshee
Hardaf iyo lug iyo gaadhi, hilinkaynu
boobnaye
Sida haadka duulaaya,
hawadaa la yaacaye
Jeeruu hirkii muuqday,
hakashaynu diidnaye.
Kolkaynu heelka Xamar joogney, hagrashaynu aragnaye
Hindisii jibbada waalan,
waa lagu hantaaqmaye
Reer kuma hunguri beelin, roobkii hillaacaye
Intuu Harada noo buuxshey, haan lagama dhaansane.
Raggii hibada loo dhiibey, iyagaysku
haysta'e
Wixii shicibku ku hadlaayey, hoos looma eegine
Haaraha wax noo yeelay, halaskaannu
jiidhnaye
Dibjirkii ku hawshooday, waakaa
harraadaye.
Habka maanta ii muuday, kii hore ma dhaamo'e
Intaan Xabashi hibanaayo, dalkanaa hayooy lehe
Hubka debedda laga keenay, mid hagaagsan maaha'e
Inagoo u wada heegan,
hadh-galuu na dhaafaye
Dar uunbaa hareertooda,
halla-daadinaayaye
Ninka ceebta hurinaaya, ku
hullaabi mayno'e
War yaan laysu hoosaain, halaqyaa gudaaya'e.
|
|
|
|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|