|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
(1922 -2004) |
HJ, Reer Yoonis |
"Dood"
- 1964 kii |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Gabaygan oo uu abwaanku tirshey horraantii 1960kii wuxu tilmaamayaa khiyaamada
iyo Daacadxumada ay markaaba wadeen beelo soomaaliyeed oo qarannimada
soomaliyeed ka door biday qabiil wax ku doon.
Gacmadheere oo ka mid ahaa raggii u horreeyey ee khiyaamadaa arkay wuxu
sifaynayaa shirar qarsoodi ah oo Beesha Hartiga la yiraahdaa ku qabteen dhawr
goobood oo bariga dalka ka mid ah. Sababahan iyo kuwo la mid ah ayaa sababay
burburkii Soomalia waayo dadku isku dareen iyo aragti ma ahayn taasoo si toos ah
u soo if baxday markii Waraabihii Garbahaarrey iyo Kooxdiisii qabyaaladda ku
qadhaaban jirtey soo dalku gacanta u galay.
Qormo laysugu yeedhay,
Shir ay qaafilo joogto,
Anoo Qawl ku dhawaaqoo,
Dibnahaa kala qaaday,
Inkastuu mur la qooshiyo,
Ka qadhaadh yahay seef,
Runtaan soo qaddimaaye,
Hadhow waan qabsan waayiyo,
Qalbi baanan lahayniyo ,
Qosol yuu kugu seegin.
Qorsheeyoo iska dhaafay
Nebigii qummanaaye ,
Makhluuqaadka qarsooniyo,
Quruumaa ifka jooga,
Qabnadiisa adduunka,
Qadadawga bisleeyee,
Wixii uu u qiyaasay,
Qunyar xuutada siiyey,
Ay Qamdariiran ka yeeshoo,
Iyadoo la qamiirayoo,
Quwideeda la yaabay,
Mid kaloo Qaro weyni,
Qusurkii kaga booddee,
Qudheediiba dig siisay,
Taasi waa qiso yaab leh.
Haddaase qoon la masaali,
Qarnigeenan ka beermoo,
Dad qarkaa kala joogoon,
Qareenbaysku lahaynoo,
Isba qaadi karaynin,
Intii lays qabadsiiyey,
Qalin dheer iyo Buug,
Qaraar loogu sameeyoo,
Sidii beelo qaxaaya,
Qol-qol laysugu keenoo,
Hadday qayliyo buuqiyo,
Qabaabiir iyo beeniyo,
Qaxar soo kordhiyeen,
Taasina waa qiso yaab leh,
Waa Qawaas iyo Quus,
Waa siyaasad qarsoon,
Waa qiyaano asluub leh,
Oo ninkii qaayin noqdaaba,
Ku qadhaabsan karaa.
Qorsheeyoo iska dhaafay.
Dadku Qaaddi islaamoo,
Qoqob jiidhka aqoonin,
Iyo Qalin-Duurre wadaadahoo,
Kolba qoor ka wareegoo,
Qardhaasaa ku Dagaystoo,
Waa sidii qoladiiye,
Hadba qiil jaban sheegiyo,
Nin qumaati u jeedoo,
Qawl hagaagsan yidhaahda.
Nin Qallooc metelaayoo,
Qaladkiisu u muuqdo.
Qaafilaan wax ogeynoo,
Geesna qoobka ku hayn.
Nin ay qiiradu jiidhoo,
Qafiifoo iska waashay.
Taajiruu Qol u buuxoo,
Qusaartiisa cunaaya.
Dibjir dhawr qatanaayoo,
Qudhacdaa dixda jiifoo,
Markuu quud kale waayey,
Qabcadiisa ku nool.
Nimankaa qarfa joogee,
Qoranaaya hangoolkee,
Qayladaasba ogeyn.
Intaasoo kala qoonoo,
Qubanaysu dhexyaalaa,
Qaarba qaar la hayaaye,
Qaadirkii na abuurtayoow,
Qilaafkaa naga saaroo,
Qabuul toosan na sii.
Qorsheeyoo iska dhaafaye
Nin garoommo dhan qaytoo,
Daar qiyaaska kun fuudh'a,
Qandaraas ku bineeyoo,
Qotonshey oo ku dhaqaaqoo,
Gidaarkii qabyo beeloo,
Qafiskii dusha saaroo,
Qurxiyoo Sibidheeyoo,
Qafiloo Handaraabay,
Taasi waa qiso yaablehe,
Hadduu Qayd yar ku daaho,
Ma qarsoomi kartaa.
Qorsheeyoo iska dhaafaye
Shirka Qawlo Taleexiyo,
Meesha Qaw la yidhaahdiyo,
Qandaloo la gudbooniyo,
Qammaadkii Buruceediyo,
Qoorki Cawda lahaa iyo,
Qarfaa hawd iyo aydiyo,
Qardho laysaga keenee,
Bixin loo qabanaayee,
Reer uun qaas u samaystee,
Qalad loo ogolayne,
Qoladii ka dhignaydna,
laga qayb gelin waayaye,
Qaddarkaa ku dhammaaday,
Taasina waa qiso yaab leh,
Haddaan qoodhya-xereeyo,
Sow qabyaalad cad maaha.
Qorsheeyoo iska dhaafaye
Intay soo qarribaanoo,
Dunidoo dhan qaldaanbay,
Misna kuu qoslayaanoo,
Qabar seexinayaane,
Hadba qiil badanaa,
Qaadhanaa Ba Xamiido.
|
|
|
|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|