SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Guba

Maxamed Fiin (Habar Yoonis)

Calow gugakan gabaygi aad tiri gocasho weyn reebye
Wixii gacal ahaa uumiyaha waa mid kala geyne
Gabadh iyo walaalkeedna way kala geddoomeene
Gardarriyo isyeelyeel marbuu gubay bilaadkiiye
Nin garaad leh baan kugu ogaa gaban ahaantiiye
Maantaad guyaal badan jirtoo guudku ku caddaaday
Bal garwaaqso warankaad gantiyo gedaha aad joogtid

Guntigii wadaadkii la eed gebagebeyntiiye
Galawbaa ka ciyey ceelashaad geesi ku ahayde
Buuhoodle geel looma horin goorti dabadeede
Gammaankii badnaa ugama fulo labada geesoode
Gadhlihii shubaayiyo la waa garabyaweyntiiye
Geedaha ka baxay lagama cuno gudubyadaw dhawoe
God abaadey waakaa noqdiyo guri madoobaade
Waxaa guuldarada uugu wacan gini colaadeede

Waa gaasir reer Cali wuxuu wada gudboonaaye
Ma gu'yarae see Cali tashigu uga gulaalaaday
Guhaad laguma falo meel haday gogoshu kuu taale
Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
Gurgur lama shidhaystiyo hashii geela ka irmaane
Guntana lagama jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye

Afartaa gamuumaye sidii leebka ma u gooyey
Gobo' kalena waa eray yaroon godob ka faalleeyey

Gondagooye nimankii dhigaad gacal ahaydeene
Cabdi Muxumud gabayuu ka tegey goloski dheeraaye
Geydh iyo waxay cadha qabaan garanba maysaane
Aar soo gandoodsadey wuxuu gaadho waa diliye
Goonyaha haddii lagaga ciyo guuldarraa dhiciye
Geelii ogaadeen ninkii goofiyaad tahaye
Giddiga reer Subeer yahay ninkii gaadhay baad tahaye
Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabti weyshiiye
Gudaha Adari waa laga tirshaa gabayadaadiiye
Gaal iyo islaam nabadu waw gogol nasteexaade
marse haddii colaad loo guntado goray ma laacdeene
Cid uunbaa rasaas kugu genbiyi Giibba malahayne
Ogaadeenku waa gama'sanyee gamasyo haw dhiibin
Godobta ha ogeysiin rag waa garacyo shaydaane
Gacalloow ka joog meelahaad gacan togaaleysey
Haddii kale aduunbaw go'iye gabayga aashaada

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com