Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Faarax Nuur Xandule (Faarax waal)

Habar Yoonis  

Somali Poetry


Waagii Habar Yoonis Cuqaasha ka laysay Dhulbahante ayaa sidii Ugaadeenku u guubaabinayey bay waxay gaadmo ku dileen dhawr nin oo safar ah oo geed hoostii iska hurda. Samatar Baxnaan oo Samatar Illoow ku magac dheeraa waakii gabayga tirshey ee lahaa

Nimankii xafiiskii Berbera xawda nagu gooyay
Oo Xaajigii dilay dadkaan kala xabaal seegin
Oo xayda xagarka gashee kuna xalaaleeyey
Mar haddii xiniinyaha la jaray waa xamdi Ilaahe


Nin Habar Yoonisa oo Faarax Waal la dhihi jirey baa gabayga faanka ah ee Samatar maqlay markaasuu farriintan kooban sii farayaa nin Xasan la odhan jirey oo Inan-la-yaal ahaa oo carro dhulbahante u sii jiida;

Xasanoow adaa soconaya, oon sina u joogayne
Salaama Alla yeelyow adaan, sawd kufarayaaye
Kuman suluble, kuman sumuclehiyo kuman salaaddina
Biriggaan wax kala saydhaya, oo ciidda saxar-qaada
Haddii aanan Samatarow, idinku soo saarin
Oon saantadheer iyo Qurjiga, seef lagaa marinnin
Allaylehe sidaad sheegatiyo malihi suuroowye.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com