|
Faarax Shuuriye oo ahaa ninkii geyiga Mudug ugu gabayga badnaa waxa soo
gaarey gabay aan na soo gaarin oo uu tirshey nin isqariyey balse
aflagaadeeyn u geeystey qabiilka Faarax ka dhashay. Gabaygan wuxu jawaab u
yahay gabaygaas cayda ah wuxuuna yiri Faarax Shuuriye Alla ha u naxariistee;
Mas galaalan, good laba afla'ah, oo ganaya waabaayo
Abris ninuu god uga soo baxoo, micida gaarsiiyey
Gallad Eebbe mooyi iyo inuu, uga gargaaraaye
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.
Nin libaax ku gowriirsadoo, garabku hooseeyo
Oo u guudka kala saaran yahay, miciyo gaal-leefa
Hadaan guutadiisii ka celin, gucumaloow Aarka
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.
Baddu nimey gurguurtoon aqoon, gudubsi loo dhaafo
Oo u xiisku gaaddada marshoo, gebiga dhaafsiiyey
Gallad Eebbe mooyi iyo inuu, uga gargaaraaye
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.
Guudkii Hiraab nin u gabyay, een igu ogaan geeri
Ee caalinkeenii Gobaad, hadalla gaarsiiyey
Gujaalaan ku ridi ee muxuu libin ahuu gaaray. |
|