Q O R A A L

 

 

 

 

 

Dubbad Xiirey

Habar Jeclo > Axmed Faarax

Somali Poetry


Dubad xiirey oo ahaa nin gabyaa ah ayaa gabaygan waxa uu u tiriyey oo uu ka cadhooday nin u gabyay qabiilka uu ka soo jeedo dubad kaasoo gabayga uu ka jowaabayay ahaa midaan meesha qabanain,waayo gabayga boint ayuu leeyahay markaa ayuu u jowaabayay sida aad gabayga ka dhadhansan doontaan

Dilkii dhacay, dubaaqadii luntiyo, diifta kala gaadhay
Duubigii Isaaq ee isku jabay, dugayda yeedhaysay
Hadaydaan Daahirow idinku dhigin, la isma daareene.

Inkastaad aduun doora, iyo dahab u miisaanto
Dumarkaama sheegtaan wixii, duunyo kaa gala'e
Ragna haduu abaal kala dafiro, kala digtoonaaye.

Walaalkaa haduu doorsamo, oo dab isku tuuraayo
Intuu dibadda yaal nin arkayaa, siima deyn karo'e
Axmed baa ku daadihinaye, duur ma jebiseene.

Dunjiga Baho Ugaasoo dhaniyo, idinka reer Daahir
Iyo Solamodowdii duddiyo, dibir wadaagteeda
Difir kama gurteen Ruushankii, soo dabbaal degaye.

Hadaanse dawlad-dawladi cawarin, diirinwaa shicibe
Ninkaygii ku daafacay intaad igu dabraynayso
Maxaa gabaygu dawbuu lahaa, dib u firaynaaya
.

Waana gabayga uu faarax laanjeer oo ay hooskatuur lahaayeen Dubad Xiirey uu ku yidhi "Dubad xiirey reer Daahir ayuu shisheeyaha u yaqaanaa."

_________
 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com