Dagaalladii Dheriyo iyo Dhurwaale
Awaaraha markii lagu lallabay, Aammin xeradeeda
Waati aad sidii Igadh la tolay, na oggolaateene!

 

Qawdhan duale Xarbi Ismaaciil Cabdi Hurre Cabdi Gahayr Aidid C Godane Xaye Galaydh
1. Dhurwaale
Gabaygu wuxu ka tarjumaa dhaqanka bulsho leedahay, isagoo la saanqaada hadba fekerka taagan marxalladda ninka gabyaaga ahi cabbirayo. Soomalidu inkastoo ay dhaqan suubban ku faanto haddana waxa marag-ma-doonto ah in dhaqankaa la koolkooliyo ay ku lammaanaayeen dhaqamo waxshi ah oo beeliba beesha deriskeeda ah cawda u goyso. Dhaxalka is dabargoyntaasi waxay keentay in Soomalidu ka yaraato qowmiyadaha kale ee ku nool geeska. Abwaankii Soomaali oo dhammi u saxeexday suugaan wanaagga ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde oo arrintaas cabbirayaana waa kii, ilaahay ha u naxariistee, lahaa;
Dadka kama yaraateene, ways dabar jaraysaaye.
 
Somalidu waxay ku noolayd "meerto" nololeed aan laga gudbayn oo difaac iyo weerar lagu jiro, daaqa, xoolaha iyo ooryahana la kala meersado. Bulshada ruux waliba kaalinbuu kaga jirey oo lagu hallayn jirey. Gabyaaga, gaar ahaan, oo kaallimo badan buuxin jirey wuxuu ahaa markuu ugu yar yahay afhayeen tolkiis aanu ka maarmin xag abaabul, guubaabo, gooddi& faan, daandaansi iyo xag digashoba. Gabyaagu wuu ku khasbanaa inuu tolkiis afhayeen u noqdo ha jeclaado ama yuu jeclaanne. Gabyaagii Xarbi Dheere ayaan aad ula yaabaa sida uu gabay ugu cabbiray arrintan oo aad mooddo inuu ka daalay dagaalka iyo dhaca joogtada ah oo uu mala-awaashay nolol taas ka door roon. Wuxu Xarbi inna lee yahay meertadan aan dhammaanayn waa ka daalnaye toloow annaga iyo Ciidagale maa midkaayo abuurintaakiisa la illaawo oo meesha laga waayo. Xarbise waxaanu ogayn in haddi labada qabiil midkood la waayo uu kooda soo hadhay u kala safanayo jilibbo iyo bah bah illaa dhaqankaas xun ee la barriinsaday la beddelo. Xarbi wuxu yidhi;
 
Annagiyo irdaha Ciidagale, waan isku idlaane
Hadba aarankii kaca, sidii ood ha loo jaro'e
Bal abuuritaankayagi hore, maa mid la illaawo.
 
Annagoo ogsoon dibu dhaca ay qabyaaladdu leedahay ayay haddana mararka qaarkood suugaani naga gashaa xarbiyo ahli ah oo waa hore nin-door ku idlaaday. Sidaa darteed buu Hoyga Suugaanta aad ugu arkaysaa qabyaalad balse nuxurkayagu waa inaan idiin soo tebinno suugaantii ka ratibantay iska hor imaadyadaas aan ka sheekayntoodu duxda lahayn. Hayeeshee si erayada qaaliga ah ee abwaannadu macne u sameeyaan waxa lagama maarmaan noqonaysa inaan idiin soo tebinno sidii wax u dhaceen annagoon ku talax tegin.
 
Saldanada Ciidagale oo boqollaal sannadood soo dhisnayd waxay dhawrkii qarni ee la soo dhaafay cammirtay dhul ballaadhan oo ay ku hanteen dagaallo is daba joog ah oo ay u humiyeen kuna wiiqeen cid kasta oo is hor istaagta hadafkooda oo Ugaadeenka ugu horreeyo. Ciidagale intay cid walba guluf geliyeen ayaanay cidna dhaafin oo intay Cagdheer ka gudbeen ayaa xitaa wadaadada Shiikhaal oo ay mamnuuc ahayd in la taabto xeryahoodii madoobeyeen oo caydh badeen. Ismaaciil Xayd "Afloow" oo arrintaas ka hadlaya sifaynayana sida Ciidagale carradoo dhan u liqay oo aanu cidna u dhaafini waa kii lahaa
 
Cabdi-dhariyo Shiikhaash kolkaan, ceeriga eryaayey
Kuwaan caanahoodii genbiyey, cidi ma kuu sheegtay.
 
Wadaad Sh Cumar Madoobe la yidhaahdo oo Sh Aadan Dheeraha Wardhiigley(Xamar) lagu siyaarta dhalay oo Shiikhaal ah ayaa ciidagale marreeyey oo kolkuu ay xoolihiisii meersadeen baryey oo yidhi "Ciidagalow geela noo celiya". Ciidagalihii xoolaha cantaarinayey intay sheekhii ku jeesjeeseen bay ugu jawaabeen "Sh Cumaroow intii danbaannuba ku carraabaynaaye xaggee geel kuugu celinaa!". Sh Cumar Madoobe inkaar buu Ciidagale ula fadhiistay oo weliba intaa kuma hadhine habaarkii buu hawraar ku muujey isagoo leh;
 
Rag cokani hadduu calasta dhamo, Waa is celiyaaye
Intaad soo cabteen baad haddana, nagu carrawdeene
Aniguna Cammaan raaciyey, iyo curadka Yaasiine
Casiisoow adaan kuu cawdaye, Ciidagale naafi
Allahayoow cir soo hooray, iyo caadba laga waayo
Allahayoow adhiga caal ka geli, oonay ciir lulannin
Allahayoow cagweyntooda geel, Ceedhis lagu oodo
Carrabkooda Eebboow ka yeel, culimadii eednay
 
Sheekha oo calaacalkii dhawr gabay iska daba tirshey waxa kaloo laga hayaa;
 
Gorgorkay  sidiisa u lashaa, oodan garanayne
Awliyo guhaad culus la timi, gaadhka kaa qabatay
Goor iyo ayaan bahal giblani, guray dhallaankiinna
Guulliyo Allaan kuu baryee, geela Arab raaca
 
Ciidagale ma mahadin dhacii culimada oo iyagoo aduunyadaba canka dhigtay ayaa belaayo ku leexisay culimadii ay ka caagganayd in la dhibaa. Ciidagale Galbeed oo marraysan hayeeshee aan waxbaba iskaga tirinayn Cagdheerta ayaa maalin maalmaha ka mid ah rag dhallinyaro ah oo wada ilmaadeer ahi ay sidii caadadu u ahayd damceen inay Ugaadeenka ka soo ururiyaan waxoogaagii xoolo ahaa ee u badbaaday oo ay la galeen gurada Ethiopia. Naf heddeedii dhammaatay baan la joojinayne iyadoon wax baahi ahi u hayn ayay is gurteen ilmaadeertii oo weerar la xuliyey Ugaadeen iyo wixii ay cagaha ku xaadhtaan. Dhallinyaradaasi waxaanay ogeyn in Cagdheertu ay Xabashi hoos galeen oo intay midiidinnimo qaateen ay Amxaaradu ugu deeqday hub iyo saanad badan. Meesha Dhurwaale la yidhaahdo ayaa dagaal la is qabsaday halkaasoo Ciidagalihii duullaanka ahaa lagu jebiyey. Dagaal Saldanada Ciidagale iyo Cagdheerta dhexmara waxa ugu weynaa sida la sheego dagaalkii Qaydar-Calyaale oo boqollaal ruux lagu xasuuqay maahmaah iyo murti badanina ka hadhay laakiin sababta dagaalka Dhurwaale aadka loogaga gabyey waxay ahayd fajiciso iyo taariikh hor leh oo aan Ciidagale weligii soo marin. Weligood kuma tashan Ugaadeen baa ordi mooyee, ugaadeen baa intuu jilibka u aasto weliba canbaar-cadkii ciidagale dhegta dhiigga u dari doona. Taariikhdaas horta leh ayaa nin walboo afmaal ahaa gabay ku cabbiray oo kii libtaas lama fillaanka ah helayna libin ku geeraaray, Ciidagalihii yaabbanaana calaacal iyo guubaabo u dhaqaaqeen.
 
Ragga guusha ka gabyey waxa ka mid ahaa nin la odhan jirey Ina Cali Beenaley oo ay gabaygiisa ka mid ahaayeen;
 
Dhulku wuxu ballaadhnaa, kuwaan baalna naga siinin
Ee Buudaley noogu yimi, baahi uma hayne
Boqol iyo kunbay durbaba, bidix u tuureene
Bagay baga haddii reer Suldaan, baabbah laga yeelay
 
Xarbi Ismaaciil oo isagu ogsoon ciqaabkii hore loo baday isla markaana waxa iman doona ka werwersani isagu libta kama gabyine intuu rag badanoo hore jilibkooda looga laayey ku tawaawacay ayuu raggii dareensiiyey inaan weli dhan loo kala dhicine ciyaari gelin-danbe tahay

Iyagu soo ceshaa, iyo innagu, kula carrawnaaba

Jeeroo col kale soo noqodo, oy qolo ku caw beesho
Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray
Inta Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye
Af aan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine.
 
Dagaalka Dhurwaale raggii ka jawaabay waxa ugu horreeyey Ismaaciil Xayd Xirsi oo u jawaabayey nin dagaalkaa ku taamayaa oo afarrey tirshey. Aflow wuxu la yaabay nimankan weligoodba laga adkaan jirey ee dhawrka nin ee ay dileen ku faanaya. Wuxu Aflow lee yahay weli dumarkiinii weerbay sitaan ee toloow ma Fiqi-Buraale ayay qabaan mise toloow idinka waxa la idinka dilo waxaraha iyo idaha le'anaya ayay la masaal yihiin. Isagoo arrintaa Aflow gabay ku cabbiraya islamarkaana leh waxyar na suga waxa uu yidhi:

Kolkii reer Wacays lagu wab yidhi, waaga berigiisa
Iyaba waa walaalkiin, haddaad u welweleysaane
Waasaca Bullaale iyo halkiyo, Waraqa Hooyaale
Weelkooda reerihi la qubay, Ala miyaa weertay
Wedkiinuba qariib inuu yahaan, kuu warramayaaye
Wadaadadan gaboobiyo Hablahan, waa walbaba ooyi
Haddaan Wariiddadoodii la layn, Ma aanay Weerteene
Waab-Cawska naagaha galaa, ma iyagaa waalan
Mise idinka Wiilkii la dilo, Waxar yar baa dhaama
Waleensina u guura oo Ratiga, Weelka lagu qaadye
Waabayda kuu qooshan, iyo waxa laguu doonay
Waxyar i dhawr waraqbaa la diri, wiiggan dabadeede.

 
Siduu abwaanku sheegayba wax yar ka dibba waxa dhacay dagaalkii Dheriyoku caanbaxay.
 
Qawdhan Ducaale wuxuu ahaa ragga u qaadan waagaas ka gabyey ee calaacalku ka soo hadhay. Waxa qawdhan tirshey gabaygan calaacalka ah ee uu ku sifaynayo aakhiru samaankii inuu dhaw yahay mar haddii raggii rag ahaa dhiigooda la wadhay isagoo tilmaamaya qabiilooyin badanoo waqtigu hoos u soo ridey.
 
Bawdada sidaan uga jabiyo, boqonta guudkeeda
Allahayoow belaayadu siday, noogu wada baahday
Ma burburay beryaa reer Cabdigu, baalka waa sidaye
Dadba niman ilaahay ka bogan, buugga laga waaye
Bilaash weeye cayduu Isaaq noola soo baxaye
Nimankii Berbera quudan jirey bacadki waw maadhe
Bannaankay ku haasaawayeen waa bannaan yahaye
Berri-Carabna waa lagu xarbiyey, baaxadsooraha'e
Baashiina waakii ka kacay, bariyo saadkiiye
Habar Yoonis beyr baa ku dhigan, baaddilnimadiiye
Qaalmaa Baraadhida lehiyo, baarqabkiyo goolka
BaXawaadle kuma soo shiraan, bogoski shaalkiiye
Cawlyahan barkimadisi iyo, baalki laga qaadye
Ballankiina waa yoolka, iyo beydki aakhiro'e
Hablihii baroortee raggii Arab, miyuu baashan
Mise toodu haw baaliddee, budulkanay qaadi
Waakii Suldaankii baqtiyey, badhida weynaaye
Buuraha galbeed iyo Jigjiga haysku beegina'e
 
Gabay kale oo calaacal ah ayuu Qawdhan isla munaasabaddan ka tirshey kaasoo ay erayadiisa ka mid ahaayeen;
 
Waayadanba Dhuu baan xidhay oo dheg uma noolayne
Anuunbaa dhabriiraye ragi waa dhalasho raacaaye
Maan gabay dharaarta iyo dayaxa dhayda ka cadeeyo
Abtirsiimo lama dhumiyee dhamacda maan oogo
Maan dhamaan Isaq kula dhex dhaco waa dhambaal culuse 
 
 
Cabdi Hurre oo isagu Cadan ku sugnaa dhacdadan wuxuu isna maray wadiiqadii Qawdhan oo u qaadan waagi baa ka keenay erayo aad u xeel dheer oo ay ka mid ahaayeen;
Maantana tolkaan ku camirraa, cawdu ma duushay
Cabdi Bari miyaa go'ay sidii, madag cuf loo waayey
Ma canbaar-cadkii baa la jaray, curaddadii iido
Caleen jilicday saw reer Gobdoon, caawa kama liito
Cabdi Ciise, caal-saarradii, Ciise iyo iidle
Ma casaanyo jaban baa raggii, caaradka u joogtay
Carfigii miyaa layga ridey, calanki guudkayga
Ma car-jabay shisheeyuhu baguu, caawa lee yahaye
 
Cabdi gahayr
Cabdi Gahayr aad umuu jeclaysan gabayadaas ah wuxuuna tirshey gabay uu Qawdhan ugu caqli celinayo, Ciidagalena ku guubaabinayo oo ay naga soo gaadhay.
Rag colloobay waa uu dilaa, caynka naagaha'e
Carradii tolkaa iyo adoo, Ciidagale jooga
Cabbanidee maxaa Qawdhanoo, kaa calaacaliyey
 

2. DHERIYO

 
Dagaalka Dhurwaale markuu dhacay ee la isu hub urursaday ayaa waxa dagaal qadhaadhi ka dhacay meesha la yidhaahdo Dheriyo. Dagaalkaasi wuxu u dhacay Ciidagale oo aar doon ah iyo Ugaadeen oo doonayay inay guushaa guul kale u raaxdo. Ilaahay sidaa kama yeeline libtii dagaalka Dheriyo way hidda aroortay oo raggii weligoodba gacanta sare lahaa bay u soo hoyatay. Dagaalka Dheriyo Ogaadeenkii soo qaaday waxa la sheegaa inaan cidi ka noqon illaa 15 nin oo nolol isku dhiibay mooyee. Nimankaa la qabtay waxay sheegteen Sab(Midgo) si ay u badbaadaan laakiin Ciidagale oo sidii libaax cadha xun qaba u cargaagtamaya ayay u gacan galeen oo ay gacantooda ku baxeen. Waakii abwaankii Ina WeledBaas baa laga hayaa
Marse haddaad libaax cadha xun qaba, caday ku soo tuurto
Isna uu miciyada caaryaysatiyo, dhoosha ka cisiiyo
Curuuqda iyo laxamkaagi, buu calashanaayaaye
Cafi kama sugtide waa indhaha, inad caddaysaaye.
Guusha Dheriyo waxa ka gabyey rag uu ka mid ahaa Qawdhan Ducaale oo oo calaacalkii iyo ciilkii uu qabay ku maydhay tixdan damaashaadka ah markii tolkiis aar goostay;

 

Rucle oradka mariqii markay, Radi ku laafyootay
Ee reer Mataanow lahayd, rimay la qaadaayay
Rabi waaxida loo cuskaday, iyo Rasuulkiiye
Wax rasaasta loo jiidhay waa, ololkii Raaxayse
DanWadaago kama raagin shalay, raacdadii Bile'e
Maantana riyii soo hadhay, ribix u laayeene
Kolkii horoba waa kii ruqsaday, raatubtii boqore
Ina Jaamacii reebi jiray, raxan miyuu laayey
 
Ragbaa yidhi riddada Ciidagale, ruuxna dili mayso
Ragbaa yidhi rogaaliyo coliyo, raacda kuma laabna
Ragbaa yidhi sidii loo riqriqay, raran miyay oogi
Ragbaa yidhi ramaaskii Afmeer, reer la furi maayo
Rawaxii dharyaha Tuurta iyo, Rabadinkii qoolka
Raqda taal rabaallada qudhmay, ee reer la furi waayey
Iyo meydka Roosa u dhacay, ee rayski laga yaacay
Idinkaa rafiiq iyo ahaa, raalliyoo kale'e
Reer Nuuxba wuu naga naxaye, waad riqriqateene
Waataad rugaha Fiqi Cigaal, ramash lahaydeene
Lafta Raaran reer Samataraw, ruuga madaxeeda

Xarboow faanku waa ribo denbi leh, runina waa taase
Raxanweyna waa laga hayaa, ruxashadiinniiye
Rayid waxad ka yaacdeen markii, laysku riiqsadayo'e
Waligii ragi ways dili jirayey, ee riximki dheeraaday
Sawtii u reer DhagoYariyo, ruux Midgo ah sheegtay
Ramaas iyo marbaa Geed-Cadey, rudhiba waydaane
Ratigiina waa noo diyaar, raadka hayn jiraye
Rabbasaw ballana guutadii, reedhiga ahayde
Raanbuusi maad noqon Jigjiga rubucyo loo miiso.
 
Qawdhan Ducaale oo raggii ka le'day Ogaadeenka qaarkood sheegaye si gaar ahna u sifaynaya nin isku xaaray markii warmaha la is dabbaalsiiyey ;
 
Haaruun ardaayada ka dumay, sooma oriyaane
Adhi jabay ragoodii ka daran, aarka noo galaye
Alka Duudda, ilimmii Dheryaa, aballaxii yaalle
Xirsibay indhaha kala heleen, ulayar Maadhiine
Soofihii aroos maagganaa, aakhiruu tegaye
Axmed dhimey agoontiinaway, alamba'aysaaye
Haddaanaan itaal dirir ahayn, amase eedbaaska
Anba waan u urugoon lahaa, inanki dheeraaye
Ilma  Xiireybay eeda malag, oofta kaga taalle
Wallee aabbahoodaan ka kicin, adhaxda guudkeeda
 
Lama arag iyana reer Dhegood, Udanna daaduunye
Waxa reer Garaad loo ajalay, waa af-xumadiiye
Sida adhi jarkii lagu maroo, oonna la hayaamay
Ama oori furantoo rugtii, ku ag wareegeysa
Ama Carab amaahdii mid kale, ku ashkateyneysa
Imminkay intii Muummin Cali, udullubaysaaye
 
Ismaaciil Jiciir, Shiil Aflow, Aammin iyo Daahir
Ableydii boqnaha kaga dhacduu, Aadan qoonsadaye
Lama aasin oogadana way, ka arradnaayeene
Adigiyo ilmaadeerradaa, kula ardaa jooga
Ifka waw dil, aakhirona waw ololki naareede
 
Ninkii shaalka aanaysan jirey, ubaxa dheeraada
Uunsiga waraabuhu ku cunay, wawga soo uraye
Isagana aboorkaa madhsaday, adarki weeyaane
Ma ogtahay Abiib waxa qabsaday, arayuhuu waayey
 
Iyana reer Wajaalaa sidii, aala loo jaraye
Carabiyo Gureysiyo Salaan, udurrucii haystey
Asay dhiigle waatay kabaha, ku illanaayeene
Arwaaxuu ahaa Halaq Miraa, loo unuun jaray'e
Eedaadka reer Dhicisowbaa, aana kuu xigaye
Ilma Laag haddaan lagu arkayn, waa am taladoode
Waa oohintii Timiro-dheer, awga baxayaaye
Maantana miyaan ololiyaa, shooladda agtaada
Sowtii ab gaadhee dagaal, loo irkaday maaha
Sowtii Ugaas Kooshiniyo, aw la dilay maaha
Sawkii u awrkuna waddada, aad u jaray maaha
Sowtii ilwaad quruxsaneey, Eero timi maaha
Awaaraha markii lagu lallabay, Aammin xeradeeda
Waataad sidii igadh la tolay, na oggolaateene
Waxa gabaygaa Qawdhan raacsada suugaan kale oo uu geeraar aanaan wada hayni naga soo gaadhay;
Ugaadeen hedi keentaa
Duullaan soo huriyoo
Ratti haamaha dhaanshay
Heeryo baas la heleenoo
Hirrigtii Qol-Madoow iyo
Hawd bay soo dhanbaleenoo
Halladaadnimadooda 
Dhaantay soo hirgasheenbay
 
Hore loogu dhaqaajoo
Sidii aar handanaayaa
Hore loogula boodaye
Higtii weerar dhacday
Hinqadbaa lala yaacoo 
Hoostaa layska canaantoo
Hareeraa ka baqdeenoo
Habeenkii lagu leefoo
Waraabii habqamaayee
Hilibkoodi ku loolaa
Webigii ka hingoodayoo
 
Hoos haddaa u qaxdaanna
Idinkoo halakaysan
Miyaan kaa hadhayaa
 
Caydiid Cumar Godane ayaa isna ka gabyey guushaas uu ku cabbirayo tiriyey hayeeshee gabaygaas oo cajalad liidata ku duuban nooma suuragelin inaannu qorno waxse ka mid ahaa

 

1. Waayadanba gabaygii dayacay, dahabku saarraaye
2. Dambaab iyo cabsibaan kaga hakaday, lagu duloobaaye
3. Xaluun baa damtii dhexe hurdadda, lay dankaadhiyaye
4. Ka durduurta malabkaan ku daray, waa ka da’ayaaye
5. Raggan gabayga deelqaadaye,e naga dillaalaaya
6. Ninkastaaba door hays bidee, duugu waa anaga’e

7. Waxa Qawdhan loo daba socdaa, wuu ku daayimaye
8. Ana dawga kama weecin karo, deelka maansada’e
9. Hadduu dacaw adhyaha soo dhex galo, way ka didayaane
10. Dayo waxay is moodaa ilkaha, daacuflaha aarre
11. Duulimahaba waa laga cabaa, daadse laga roone
12. Sidii roob diraac soo onkoday, waan darjabayaaye

13. Dayuuradaha samadaa laliyo, duullal baa sida’e
14. Dilikiyo cayaar baan is rogay, daartii sheikh yada’e
15. Dooyaysigaan labada law, daalay lalla yaabye
16. Dalkayaga barwaaqada heshiyo, dooga laga joogo
17. Nin waliba damaashaadkan dhacay, waa ku diirsadaye
18. Danwadaage iyo reer Mataan, duuda Nebi roona

19. Dadku wuxuu lahaa Ciidagale, dirirri maayaane
20. Ma dagaalankii buu tolkay, dogobo noolooyey
21. Dac ma jebinay waa tuu isaaq, dayro noo xidhaye
22. Waataa dabkoodii riyuhu, soo daldalayaane
23. Dadbasiyaaliyo guutada haddii, doollo laga keenay
24. Kolba haddii xaqii naga dednaa, nalaga soo doontay

25. Duudkiyo haday nagu galeen, dayrka dhinaciisa
26. Duunyada ba’ samane haddii, dibada loo saaray
27. Deerooy haday olosho waa, kama dambaystiiye
28. Yaa didiya geelayagu saw dacar qadhaadh maaha.
29. Sida darayo muuska dharkii. doy ka imanaayey
30. Dun carbeeda qaalmaha kuwii. daawasho u joogay

31. Ba’ dhulbahante way doonannayd. toban diraacoode
32. Daa’imada reer Fiqi Cigaal. duhur maloo heesay
33. Dulbaaxdoodda reer Jiisaw baad, daaqi ma lahayne
34. Duulkii ba Cawrala miyaa, daasad lagu laayey
35. Ma daleel banaan buu Kilaas daba dhurwaaleeyey
36. Ma shiil baan tumaatida dellegay, diilintii dhabarka

37. Duq gaboobay waa caadaddii, inuu dakaamaaye
38. Daymada indhaha waw janiyo, derejo waayeele
39. Duska harawo dooxada budhyare, subulo daacooda
40. Dayr iyo banaaniyo higlada, dabada yoocaale
41. Meeshiyo dar dheer waan naqaan, dawga loo maro’e
42. Waa noo diyaar qaalinkii ,daalinka ahaaye

43. Dibu rootiguunbaan ceshaye, diif anaa qabaye
44. Dusha inaanu kaa bixi sidii ,diinle waad garane
45. Miyaan idin dulmiyey saw raggii dayrta garanmaysid.
 
Waxa kale oo sida nagu maqaala ah gabay halkaa ka tirshey Cabdi Gahaydh mase hubno inay goobtan ahayd iyo in kale waxse uu Cabdi gabaygiisa ku tilmaamayaa nin Haybe la yidhaahdo oo Ugaadeenka ku dheeraa kuna dhaadan jireen hayeeshee maalintaa sidii geel qasaal ah isku xaaray. Gabaygan waxa kaloo la sheegaa ama ay u badan tahay inuu Abwaanku ka tirshey dagaalkii Qaydar-Calyaale oo ahaa dagaal Ciidagale iyo Ogaadeen dhex mara kii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa. Nin Ina Guure la odhan jirey oo Reer Suldaana oo Ogaadeenka ku baxay ayaa la sheegaa in markii loo aaray ee Ilmaadeerradii beelo u gubeenna uu gabaygan Cabdi Gahayr tirshey;

Aroor iyo afmeer laga heliyo, Alambe mooyaane
Iyadoo aroortii xeryaha, umal ka reemaysa
Abidkeedba iidoo lagalay, aadmi kama hoyne   .........iido= Ba iido=Jilib Ciidagale ah

Waatay ateerada qoteen, sida arnaa'uude
Haddii shalay ilmaadeeraday, laga ilroonaado
Oon ururta Jiisoow la jarin, ma istareexeene
 
Anna aynigaan ahay hurdada, kuma asqoobeene
Iglan taarka looguma direen, adhaxda jiilaale
Quruumuhu ancaamkay baxsheen, lagama eegteene

Ragii lagu abaadee timaha, ubax la moodaayey
Ee sida abeeriyada maliga, lagu unuungooyey
Waa Haybe uunsigu ninkuu, nooga soo uraye  

Ugaadhuna ma jiidheen xaskiyo, ooduhuu maraye
Ma naftuu la aaminay dharkayn, orodku waa ceebe
Reerkiinu ina Foolayow, horeba noo eedye  

Adeerkaana waa tii sidii, awr la gawracaye
ilmo weyn wadaadkii, biyaha nagu ilaaqaayey
Sow axanka reer Fiqi Cigaal, awrta kuma qaadan  

Saw ooryahoodii baroor, kuma ildheeroobin
Haddaanaan ayaan kulusha dhalan, amase eed baasta
Awaare iyo Darroor geelayagu, kuma ekaadeene 

Ul madheedha kuma foofiyeen, inanka raacaaye
Eeridhabanka dararaa hadhkii, sooma ololeene
Iyadoo aleema leh Digweyn, kuma aroorteene

Onkodkiyo hilaacyada Garduur, oog ma mirateene
Gobanimadu waa shay asliya, iibna lagu waaye
Ma la eeday ina Guure waa,ubaxii shaalkiiye.

Geeraarradii Xaye Galaydh ka tirshey dagaalladan kala soco qaybta "Maqalka"

 
 

 

Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com