|
|
|
|
|
|
Rikoodh
Maxamuud Jaamac Waal "Daallin", (1856-1990), (HJ)
Maxamuud oo gabyaanimada ka sokow hayey taariikhda soomalida
ee labadii qarni ee tegey ayaa markii da'diisu aad u weynaatey
la weydiiyey sababta uu wax la illaawi waayey. Marxuumku wuxuu
Xijaabtey 1990kii isagoo da'diisu kor u dhaaftay 130 sano.
Wuxu yidhi marxuumku; |
|
Rikoodh baa
calooshayda yaal runi ka buuxdaaye
Riyo iyo manaam baan hurdada reemay keligay'e
Rakcadiina waan wada tukadey raatibta ahaaye
Haddaan ragiyo naago u garnaqay raalli kala waayey
Oon ruux dhintiyo kaa fadhiya raashin wada siiyey
Oon raxan dhurwaa iyo dawaco wada rasaaseeyey
Oon ray caleenliyo abaar reerka wada daajey
Oon runiyo been soo arkoo weliba raad gooyey
Oon raqayo Raawila noqdiyo raqab la sheekaystay
Oon risaala caydha noqdoo raaxo daba joogtey
Oon ramag irmaan iyo horweyn raas ka wada ooday
aan guuto niman soo rogtiyo raacdo daba joogey
Haddii qolo intii aan la ridey qolona riixaayey
Ruuga iyo Jidbaale iyo haddaan Rigacad soo joogey
Oo raranki Beerdhiga cagaag ruugagga i diiray
Oo aan Ilkacad roorayey oo ridayey maadhiinka
Alow yaa riwaayad iga qora raa'ib baan ahaye
Gabaygan oo daba joogey kiisii Ra'leyda ahaa ee uu isku
sifaynayey abwaanku wuxu kaga jaawabay suaalo dhawr ah oo laga
weydiiyey da'diisa iyo xasuustiisa dheeraadka ah ee Eebbe ugu
deeqay ;
Wuxu yidhi Maxamuud Daallin (Alle ha u naxariistee)
Garoowiyo Taleex iyo Nugaal godammadi
Tuuyo
Gelimeys arliga uu degiyo gaanka Ba Xawaadle
Waxa webiga guud jooga yaan gelin ogaadaaye
Taar baa garbaa iigu xidhan goor iyo ayaane
Guuguulahaa duulayaan gacal waraystaaye
Waxa bahal galaayuusayaan garan afkoodiiye
Galawgiyo jinkaa ii warama gaar habeennimoe
Gudcur dama alalylkii ninkii gegi ku kaajaaya
EE geli cidla ah moodayoow geeshash bay tuban
Gaadh aan ilaalo u diraa geed ku hoos jirae
Goonyaha ragbaa kaa fadhiya aadan garanayne
iminkaanse gaboobiyo anoo gabanahoo wiila
Allahayoow af ceeb galay maxaan gibil madow saaray
Oo sidi ganboba niman ogeyn gudub ka weydaartey
Isna uu ku garan maayo yidhi waw garaad xumo'e
Ninkiise garan baa garanayee gedef ha saarraado |
|
|
|
|
|
|
|