|
|
|
|
|
|
Geela3
Maxamuud
Jaamac
"Daallin",
(1856-1990), (HJ).
Tixdani waxay ka mid tahay dhowr tixood oo Maxamuud "Daallin"
u tirshey Geela. |
|
Galka Ceel madoobe
iyo Dheryaley godatadii Daadka
Geedaha ka baxay Doox Madheedh kuma galgaasheene
Gucummaale lagu qoojey baa Geydha roorsada'e
Kolkuu Toban habeen gelelef maray gooja boob noqonye
Gulcub weeye Jeelkuye markuu yara galluubnaaday
Ee dooggu soo gamashiyey ee geedka la caddeeyo
Kol hadduu guddoonkii ku dhacay Geeddi la aroorshey
Gudguduudka waaberi haddii Goray la sii daayo
Gaaniyo hashii xoog lahayd garab ku taagleeye
Gulufka iyo sidii raacdadii waw gantamayaaye
Goonni ula baydh Dhoobbigii guulaclayn jiraye
Waxay soo geddoontaba markay Ilaha guud joogto
Garka Bohol, Jidbaaliyo markay guulatada eegtay
Gucla-orodka maantaa danbay gabanta diiddaaye
Geeraarka xeradawga dhigay galab carrawgiiye
Gungumaa habeenkii kolkay ololka googooysey
Guhaad iyo naftaydii ku diley gocasho waayeele
Anna inuu harraad goomman qabo waan garwaaqsadaye
Guuraha ku dhigay Saalaxow waa geddaan baraye
Gacankii Baddiyo Ceel-Dhurruu galay salaaddiiye
Isagood Galool ubax leh iyo guudka Dahab mooddo
Oo u gubayadii reebay buu gegi fadhiistaaye
Gaawaha martida loogu keen gacaladiisiiye
Googooysey Darantoo caqligu Good u soo noqoye
Iyadoo candhada giijisay oo guuxa hidin weydey
Gabbalkoo dam yidhi Raysimada laysu wada geeye
Gaafkii Cadduur iyo arumay godamadiisiiye
Gaade iyo Libaaxiyo Colbaw gaafan weligeede
Gaadhkii xamiley doqoni waa gebi-dhaclaysaaye
Guntigii dhexdiibuu na jaray gumuc Rasaaseede
Waxan gogosha uga maagayaa Gocay daraadeede
Ninuu Gini u biiriyo ninkii Gabadh Cas mooyaane
Wallee ganac jabnaan laguma heloo guudka sare fuulye
|
|
|
|
|
|
|
|