|
|
|
|
|
|
Geela
Maxamuud
jaamac
Waal
"Daallin",
(1856-1990), (HJ)
Gabaygan wuxuu abwaanku ku sifaynayaa Geela oo rag badani ka
gabyeen. |
|
Madmadowga beerkiyo
wadnaha Maydhoy adigaa leh
Afar maydhaq oo kala maldahan Maydhoy adigaa leh
Mergi Gorayo Luqun geed ku maran Maydhoy adigaa leh
Carrab muusa Gawsaha magliya Maydhoy adigaa leh
Dhay malab ah Xoor lagu mergado Maydhoy adigaa leh
Daba wada muraara iyo habeed Maydhoy adigaa leh
Muruq tahara miid lagu bishilay Maydhoy adigaa leh
Duq matuux ah iyo May-Casaan gaban yar maaweelis
(Iyo may markii) loo culay oo dhebi masaalkeed ah
Dhaaxaan adduun kula murmee Maydhoy adigaa leh
Qaan Midhif ah iyo Awr Markaba Maydhoy adigaa leh
Muskeeda jeexay Maydhooy intaan miray habeenkiiye
Maglina adhaxda ugu heegtay oo maagay kii jiraye
Maroorsaday maraakiibna koray moodna dhaafsadaye
Muddayacay Salaaddiyo intii Muumin hayn jiraye
Muuneeyey gaalada sidii Mudane ii dhow 'e
maadhiinka beerka ula dhigay maalin dirireede
Miidaan u joogsaday rasaas mawleh oogada'e
Reerkeena oo (zzzzzzzzzz) muudey sida Aar'e
Murdaw laygu xamay aniga oo maqan daraaddeede
marka sow Maddiina u kacoo maydh denbiga maaha
Oo maalka xoolaha kaliyo moos ku tacab maaha.
|
|
|
|
|
|
|
|