WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Ammaanta Awrta Rareyga ah

Maxamuud Jaamac "Daallin", (1856-1990), (HJ)

Geerarkan wuxu abwaanku ku sifaynayaa Awrka Rareyga ah oo dhaqanka reer guuraaga qayb weyn ka ah.
  Hohey Goodir xabeebloow
haddaan geela ammaano
Innagaa is geleyna
isku guuta baxaynna
Guryaheenna dhexdiisaa
galaayuusku ka yeedhi
giiryaalaa iska laydhan
Geesigaa ku qudh waayi
Fulaan Geel dhaqanayn

gaadiidka an sheego
Degmo hawd ku go'doontay
Oo geeddi ceel iska deysey
Gufadhmaalki u daaqayo
Gaadda weyne rugtooda
Guryahooda ka buuxo
Yaa galab dhaan ku guddoonsan

Gunti heeryo la moodiyo
Laba Cayn lagu giiji
Haamihii gorratoobey
Gabnihii yaryaraabuu
Giddigoodba xanbaartay

Gadhkaa wiil qabsataa
Gudubkiisu ka reemoo
labuu guure ahaayoo
Godob Jeefag ahaa

Galabtii ka danbeysuu
Gal Wiyeer ah galaa
Wiilashii guntanaabaa
Wadaamaa u gurta
Gendel meel xun u saare
Gorti uu ka gig beeluu
Gudubkiisa fadhiistay
Habeenkoo gelin jiituu
Haamihii Ginginnaa
Sibraar loo gura saaray
Giddigoodba xanbaartay

Gadhkaa wiil qabsadaayoo
Gudubkiisa ka reemayoo
Labuu guure ahaayoo
Godolna Jeefag ahaa

Galabtii ka danbeysuu
Umulii godgodnaa iyo
Wixii goommab waraabshee
Gal xareeda miyaa

Xiddigoo godka diidey
Gabangoobi abaara
Gegibay soo arrumaan
Garbaduub u xidhaan
Gaslayeey kebeddii
Gabtaalow Abjedkii
Gantaalow udubkii iyo
Yeeshan waysku guntaan
Gurgurkii iyo Saari
In gedaanliyo Xeedho
Gororkii Biyihii
Gasiinkii la cunaayey
Gaalleeftii Mindidii
Gurihii Quddihii
Gabantii waxartii
Gurboodkii yaryaraa
Gabadhii iyo Wiilka
Dhigihii godgodnaa iyo
Gibishii Lamadii
Gegaa reer la furaaye
Gudinta iyo Hangoolka
Intaasay guradiisa
Midba meel ka geshaanoo
Kolkaan heegga ka gooyona
Gudub buu u kacaayoo
Gurguurtow lama gaadhee
Aaway gaanbiyihiiyoow

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com