More

  More

  More

  More

  More

Cilmi Jirac
H/Gidir - Cayr  


Abwaan Cilmi Jirac wuxuu ahaa abwaan caan ah oo ku nool dhulka ku hareeraysan dagmada Xarardhere,halkaa waxaa asna ku noolaa abwaankii caanka ahaa ee Kulan Xasan jurun. Abwaan Cilmi wuxuu ugu aadanaa abwaan Kulan Xasan abti ahaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa abwaanka waxa laga codsaday inuu gabyo abwaan Kulan asagana waa loo yeeray oo waxaa lagu qariyay meel gabbaad ah si uu u dhagaysto gabayga abwaan Cilmi kadibna jawaab uga bixiyo oo halkaas labada abwaan isku dhacooda ka bilowdo. Nasiib wanaag abwaab Cilmi ayaa ka warhelay in loo qariyay abwaan Kulan markaas ayuu gabaygan soo socda tiriyay asagoo og in abwaan Kulan meel laab ugu qarsoonyahay,wuxuuna ku bilaabay sidatan.

Kun Malaa'ig baa ila jirtoo, maahi keligeeye
Carshiga iyo Kursiga kaan rabaa, la iga kaalmayne
Nin Maroodi keenada u lulan, aan kadadi dheereyne

Kubka niman qabsaday baan lahayn, kabatin baaneede
Kun hadduu aruuriyo haddii, Kulan
(1) la ii kaayo(2)
Kursigeyga yaa iga kacaa, kibir haddaan maago.

(1) Kulan Xasan Jurun
(2) Kaayo=Qariyo



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com