Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cige Aw Cali (HY > Musa Cabdalle)

Gabaygan aan inta kooban ka helnay waxa uu Cige Aw Cali kaga hadlayaa dagaalkii ahliga ahaa ee 1954kii xilli ku beegan deegaanka Togdheer ku dhex maray beelo ka kala tirsan Habar Yoonis iyo Habar Jeclo.

Oday wuxuu dardaarmaa intuu debedda sii yaalle

Doqonna waa la sii waaniyaa waan u digayaaye
Haddii niman dakano kaa fadhidoo dacari kaa jiifto
Durba laguma boodee beryaa laga danbeeyaaye
Haddayse dagato lama deyn karee waa la soo deyiye.

Annagoo Dig-weyn iyo fadhina Doollo iyo Caado
Annagoo dureemiyo ka badan duurka iyo Hiisha
Baabuuro duulaaya oon daalin baa jira e
Durba nimi daleelii xarbiga laysu daadsadaye
Daaqado miyaannaan bannayn Daahir iyo Faarax
Miyaanaan dabaylaha ....... idinku soo deynin
Miyaannaan sidii Dawladdii kaa dul kici waayin














M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com