Q O R A A L

 Xasan Fiidow Cantoob

Xawaadle> Dige Samatalis> Ibraahim Ciise

Somali Poetry



Sannadkii 1955kii ayaa maalin waxa u yimiday Xasan Fiidow(Cantoob) nin la yiraahdo Diiriye Shiiraar oo ay askar isla ahaayeen Diiriye Xasan Fiidow*, kana ahaayeen Tiyeeglow. Waxa Diiriye Shiiraar u sheegay Cantoob inow wiilkiisii gabar xoolo ka geeyey oo uu aroos galay. Diiriye Shiiraar waxow weydiiyay Cantoob haddow wax fariin ah ka gaarsiinayo wiilkiisii Diiriye. Xasan Fiidow Cantoob gabaygaan soo socda ayuu ninkaas ugu sii dhiibay wiilkiisii.

Diiriyow, Diiriye u sheeg, hana ka deelqaafin
Duqii sow ahaa iyo haddow, dana ku weydiiyo
Asoon duub lahaynow fadhiyey, danigii Deebley
** dheh
Wax funaanad doorshaa garbaha, ugama duubnayn dheh

Duqii iyo duqdiisii xumeyd, wax isma doorshaan dheh
Wixii deyn lahaa jeer horey, wada dacwoodeen dheh
Xamar doorisaa loogu wadey, dibigii weynaa dheh
Difna lagama helin oo habeen, laguma daal gooyn dheh

Dacasaa ku dhacay duunyadii, dawga maanta ah dheh
Duco lagama helo duur cidlaa, amase duflaal dheh
Dembi dhaaf ma helo waalidkiis, nimow dammoodaa dheh
Soddoh diiqa loo dhiibo, iyo xidid la daaweeyo
Waxa kaaga daran waalikaa Inow duceeyaa dheh.




* Diiriye Xasan Fiidow Cantoob wuxuu hadda Suldaan u yahay beesha Ibraahim Ciise oo ka tirsan beelaha Xawaadle
**Deebleey waa magaalada B/Burte
_________________
Waxa ku deeqay: Caddaanni (cadaani@live.com) oo ka soo xigtey buugga Suugaanta Hiiraan oo uu qorey Cabdikariim M. Carraale (Xuutaan)

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com