Hoyga Suugaanta waxa sharaf u ah inuu idiin
soo bandhigo murtidii miidda ahayd ee Abwaan Cabdi Hawd Carab.
Abwaan kasta suugaantiisu waxay ka tarjuntaa garaadka iyo
fikirkiisa siyaasadeed, waddani, iyo qof ahaanba. Cabdi oo ah
abwaan weyn wuxu ku caan baxay suugaan ka hufan qabiilka oo
gabay-canjillaadu ku kala qoqobaan ummadda walaalaha ah ee
Somaliyeed, taas oo ka marag kacaysa xeeldheerida garaadkiisa.
Inkastoo Cabdi yahay abwaan hibada gabayga, geeraarka, iwm
Eebbe u
haneeyey, haddana waxa xusid mudan in Cabdi hawd uu hiddo
aroorayo isagoo ka sinji qaba oo awoow u ahaa tiir ka
mida tiirarka suugaanta Somalida oo ah Axmed Abokor oo ku
caanbaxay "Axmed Koorjaan". Isagoo arrintaa astaynayana waxa
Cabdi gabayadiisa mid ka mida ku yidhi,
Maansada awoow caana iyo Caaddilkay
baraye
Murtida Cabdi Hawd fasiraad iyo faallo dheeraada uma baahna ee
anigoon idin daalin ka durduurta dhawrkan gabay ee aan ka
helnay suugaantiisa mawjadda ah. |
|