Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 Caaqil Maxamed Bulxan

Sacad Muuse DAL-DHAMMEEYE

Somali Poetry



Maxamed Bulxan o ahaa Abwaan weyn oo noolaa qarnigii 19 aad wuxuu gabaygan tiriyey abbaara 1870. Wuxuu gabayga u tiriyey kadib markii beesha uu ka dhashay dagaal sokeeye ka dhex dhacay oo jilibkiisa dhawr nin laga galaaftay. Abwaanka oo noloshiisa intii danbe Caaqil u Noqday BAHO, REER AXMED (Sacad Muuse, HA) wuxuu tusaalaynayaa sida soomaliba isu wada dishay ee isugu qaran jabtay. Wuxuu gabaygu dal dhammeeye kula baxay isaga oo tilmaamay goob kasta oo colaadi ka aloosnayd isagoo muujiyey Ilbaxnimadii Reer Axmed ee aqoonta dheeraadka ah u siisay aqoonta deegaannada Somalida ee fogfog ayadoo aan isgaadhsiini waagaas jirin.

Burhaan gabay Bullaaloow beryaha, beeg isma lahayne
Waa taan ka baaliday sidii, beeyo roob helaye
Aan beyamiyo waa taan tixaa buuni ku ahaaye.

Nuux Maxamad
(1) waa tuu is bulay, beri collowgiiye
Bixin kuma lisaan qaalmihii, boosh-cadka ahaaye
Biyaha Yeesif
(2) iyo Aadan wow kala baqaayaaye
Barbaar jeedal sidataa ka nool labadii beeloode.

Burcadii Ruguuda, iyo Xiis, waa bannaantahaye
Batar kama tumaan Muusayaal
(3) , barandihii Maydhe
Laas Qoray baqoolkii ma galo, bedenkii reer Suure
Boosaaso iyo Aylna waa, laga baroortaaye
Burunjii ka madhay Nuur Cismaan
(4) , jarayay baanaaye
Majeerteen is bahardaadintii, kala bannaan qaadye
Butiyaalo nimankii fadhiyay, way ka baxayeene
Baxsow Keenadiid wuxu u kacay, beled shisheeyaade
Hobyo ugama baaqeen kuwii, baho u waynaaye.

Biyomaal Baraawiyo fadhiya, wabiga baaciisa
Iyana Buundo
(5) dabadeed ma cunin bur iyo iidaane
Biddoodkii Kismaayoodna, ways wada bog dooxeene
Boon iyo Xirsina haatan dhige, bilic wanaagiiye.

Bulshadii Garaad Faarax iyo barina naafowye
Barkad iyo guryihii Bahararsame, belel ka qiiqowye
Boos Cali iyo reer gorodna, way kala birdhiiteene
Rawax maalintii lagu bulmay, beden colloobeene
Buuhoodle laga waa waxay, beri ku haysteene.

Reer Sugulle goodiga bankuu, baalcaddii dhigaye
Iyana baarax uma soo shiraan, beri samaadkiiye
Waa beeyo Habar Yoonistii, bu'aha waalayde
Waa taa laftoodii ballaqan, booran loo qodine
Arabna wuxuu la balawaasayaa, boogtadii shalaye
Waa tii Bah Deylana
(6) la dhigay, bacadkii sheedyaaye
Makaahiilku
(7) boogaa ku yaal, waa bukaa weliye
Xaggoodii biyood reer Biniin
(8) , kuma bariistaane
Boqor iyo ka hoosow ma jiro, nimaan budhaysnayne
Dadkaba nimaan baduugaa mar noqon buuga laga waaye.

Ninkii baxaya buuraha jinkaa, loo bidhbidhiyaaye
Booraamo meleg buu ilays, uga bidhaamaaye
Balaayada aduun weli ma iman bohoradeediiye.
Buuray ku joogtaa intay, reero baabinne
Hadba qolada bocor haysataa, loo bayimiyaaye
Badhaadho iyo sabool baysu jira, laba bidhaamoode
Banka xoolo lagu foofiyaan, biid ka soo hoyane
Waxa lagu bilkaydshaa raggii bohosha kaa yiile
Ayagoo barkaadaa la dilay, Bile-yo Daauude
Boqorada la wada laayay, iyo bilista ooyaysa
Dadka wada bakhtiyay Adaribaan, badhi ka noolayne
Baashaha la soo sheegayo, ee baladdadii qaatay
Baaruddan layskaga cayimay, beerka iyo laabta
Beri Carabna wax laga sheegayaa baashayaal xidhane.

Biyaha Awdal waxa joogi jiray, wiilal loo bogo'e
Bulhaan iyo hayinkii dhalaa, beri ku qooqnaaye
Barkimooyin lacaguu lahaa, haatan baalide'e
Waa baadi geerida Isaaq noo bud dhigayaaye
Wedkii nabiyadeenii bulaa, noo badheedh yimiye
Burka Reenyo hay dhigin ragii, beertay laga qaadye
Waysada biyee waxaan u kici, baydkii nebigiiye
Balkana ii dhig caawana qalluhu, hayga sii baxo'e
Naa adiguna tolkaa baal ka raac bulan xigaalkeene.

 

______________________________

[1] Nuux Maxamed Abokor – Waa qabiil HJ ah oo la dhashay Yeesif & Aadan Madoobe

[2] Yeesif & Aadan waa laba qabiil oo HJ ah oo isku caw beelay xilli ku aaddan 1850 - 1870

[3] Muuse Carre & Muuse Ismaaciil oo HY ah & Muuse Abokor (HJ) – Qabiiladan mid waliba goonnidiisuu isugu madhay xilliyada gabayga la tirshey.

[4] Nuur Cismaan waa boqorkii Majeerteen ee waagaas

[5] Nasiib Buundo wuxu ahaa geesi Soomaaliyeed oo Talyaaniga la dagaallamay

[6] Bah Deylo – Jilib Ciidagale ah

[7] Makaahiil – Jilib Sacad Muuse ah

[8] Jilib Reer Axmed (Sacad Muuse) ah


 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com