Waa xayn kla mid ah gabayadii Boodhari u tirshey Hodan Cabdi.
Nimanyow
dabuub gabay beryaha kuma danuukhayne
Kolba aniga oo daayey baa igu diraysaane
Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey
Mid duusho yarbaa eabahay iigu daw galayey
Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba
Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudda a seexdo
Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye
Iga daaya hadalqaadkedu waa iiga darayaaye
----------
Dhadhab
Nimanyahow dharaar iyo habeen waan
dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide
Sida qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay
Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye
Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba e
Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa'uude
-----------
Hadhka galay
Cilmi Ismail Liibaan "Boodhari", (Ciidagale)
Hadhka galay hurdadu
way xuntee hohey maxay seexshey
Muusow hungoobaye maxaa hodan i weydaarshey
Hoygi ay joogtiyo maxaa hilinki ii diidey