Cilmi iyo saaxiibkii
Tabaase oo goor galaba ulugaynaya maqaaxi ay dhalinyaradu iskugu iman
jirtay, ayaa looga yeedhay guri. Gurigaas oo ay ku noolaayeen hablo
jeclaa inay Cilmi wax laqabtaan, dareensana dhibta iyo wareerka uu
jacaylku u gaysan karo qof ibni aadana. Cilmi iyo Tabaase guriggii bay
soo galeen, markaasaa midba meel fadhiistay, waxayna la sheekaysteen
hablihii, waxoogaa yar markii ay fadhiyeen ayey hablii laba ka midi
Cilmi ka codsadeen iyagoo taladii wax ka siinaaya saaxiibkii Tabaase
inuu Cilmi innan allaale iyo innantii kale ee uu doonayo ee magaalada
joogta farta ku fiiqdo, ballana waxay ku qaadeen in ay u dhammeyn
doonaan. Madaxa ayuu aad u lulay markaasuu tiriyey gabay-gan tiiraanyada
leh, dhamaantoodna caloosha soo wada qaaday.
Luqun madoobe
awrkuba kolkuu laacdan baranaayo
Isagaa u laakima badnaa laqanka xoolahe e
Hadba qaalmo laacdan ah wuxuu luqun jibaadhaba
Lix intaanu jirin haduu laacib ku ahaado
Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye
Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane
Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere
Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye