Q O R A A L

 

 

 

 Cumar Aadan Dibi

Habar Jeclo > Reer Yuusuf

Somali Poetry



Aadan Dibi (IHUN)oo cimri ah ayaa ka cawday in isagoo da' ah geel la raaciyey isagoo sifaynaya dhibta uu ku qabo iyo sida aysan wiilashiisu danba uga lahayn;

Nimanyahaw gankaan ahay ragbaa geel iraacsadaye
Sida gallowga iyo fiinta oon gelis ka yaabaaya
Ama aan goblamay foodhidaan gii'da ku hayaaye
Marba gabanta uma soo eryeen gaagaxsiinyaha'e
Marka aan danbeeddada gudboon maraqa gaadhsiiyo
Gacmahayga kama tuujiyeen goror habeedaade
Carawtiinka galabtii markaan gubaddo dheelmaayo
Gurxan igama yeedheen, sidii Aar gulaanjiyey
Wallee gabanaddii aan dhaloow gacaladeen reebban.


Cumar Aadan Dibi (IHUN) oo ahaa wiilkiisa ayaa aabihiis u jawaab celiyey isagoo tusaaleeyey in odayadii la ayniga ahaaba ay geela wax ka raacaan

Guntigaab ma furo Ciise Dhoof, goor iyo allayle
Cawad Sowdhe gabanka uma diro, gaagaxsiin yaha'e.
Goobaar la mood Maxamed Madar, gooxuu yuururaye.
Gurigiyo carruurtaba ninkii gaadhi kari waayey ,
Gucladii u dhigay Aw Siciid, gacalo weeyaane
Ilma Calina gaadhbay hayaan gaal siduu diray'e.

Ganuunkeed ma dhamo Aadanoow, geed nin jiifsaday'e
Waxan aad u geylami hurdadu, gaajo beel ma lehe
Aabbow gartana waad taqaan, guunna waa tahay'e
Ama gulufka raac maalintii, rag is gadhxiiraayo
Ama geela celi talo adduun gurubsi weeyaane
.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com